WAJAALE NEWS

Wakiil Ka Tirsan Congress-ka Maraykanka Oo La Toogtay

C2BA8910-1208-48F3-8A74-5BBF078B103F_cx0_cy10_cw0_w408_r1_s

Virginia,(Wajaalenews)-Stephen Scalise oo ka tirsan aqalka wakiilada Mareykanka ayaa lagu toogtay magaalada Alexandria ee gobolka Virginia, oo dhinaca koonfureed waxyar ka xigta magaalada Washington DC, sida ay sheegeen saraakiisha gurmadka deg degga ah.

Scalise ayaa waxaa laga toogtay sinta, xilli isaga iyo xubno kale oo ka tirsan sharci dejinta Mareykanka ay isku diyaarinayeen cayaar baseball oo sanadle ah oo la qorsheeyey inay khamiista dhacdo. Waxaa la sheegay in xaaladdiisu tahay mid degan.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan shan qof oo kale la dhaawacay. Dadka dhaawaca ah ayaa waxaa ka mid ah kaaliyaha Scalise iyo xubno ka shaqeeya xarunta congress-ka ee Capitol Hill.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in ninka weerarka gaystay uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaadheen rasaas ay booliiska ku fureen.

“Waxaan aad uga walaacsanahay musiibadan. Waxaa qalbiyadeena iyo ducadeenu la jirtaa xubnaha congress-ka, shaqaalahooda, booliska Capitol iyo dadka caawinaya” ayuu Trump ku sheegay bayaan uu soo saaray.

Exit mobile version