WAJAALE NEWS

Shil Baabuur Oo Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Hargeysa + SAWIRO

shil1

Hargeysa(Wajaalenews)-Shil baabuur oo aad u naxdin badan ayaaka dhacay duleedka magaalada Hargeysa gaar ahaan Kaantaroolka Galbeed ee magaalada Hargeysa.

Shilkan baabuur oo ahaa isku dhaca laba Baabuur oo noocyadoodu kala ahaayeen gawaadhida xamuulka qaada ee Waaraadka iyo gaadhi kuwa yar yar ah ee Maarkatuuga ayaa waxa uu sababay khasaare dhimasho iyo mid hantiyeed.

Shilkan baabuur ee aadka u naxdinta badan ayaa waxa uu sababay dhimashada Saddex qof oo saarnaa gaadhiga yar,saddexdan qof ee shilkan baabuur ku dhintay ayaa waxay kala ahaayeen Darawalkii gaadhiga waday,Nin askari ah iyo wiil dhalinyaro ah oo arday ah.

Sidoo kalena shilkan ayaa waxa uu sababay khasaare hantiyeed,isaga oo uu dab ka kacay gaadhiga wayn ee Waaraadka ah,waxaana markiiba goobta gaadhay ciidamada Dab-damiska kuwaas oo baqtiiyey dabkii ka kacay gaadhiga Wayn.

Gabagabadiina shilkan baabuur ee maanta casar liiqi dhacay ayaa waxa uu ahaa mid aad u naxdin badan,waxaana maydadka marxuumiintaasi lasoo gaadhsiiyey cusbitaalka magaalada Hargeysa.

Exit mobile version