WAJAALE NEWS

Qaybtii Koonteenarada Ee Dekeda Berbera Oo Dab Ka Kacay

Berbera(Wajaalenews)-Wararka naga soo gaadhay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa waxay sheegayaan in dab ka kacay qayb kamid ah dekeda magaalada Berbera.

Qaybta uu dabku kacay ayaa ah qaybta loo yaqaano Barxada Wajaale ee la dhigo Koontiinarada waa wayn.

Dabkan ayaa la arkay uun markii saalada Maqrib laga soo baxay ilaa haddana lama garanayo waxa gubay,Balse dad goob joog ah ayaa   sheegay in dabkan loo malaynayo inuu ka kacay mid kamid ah Koontiinarada goobta yaalay oo dab qabsaday.

Wariye ka hawl gala magaalada berbera ayaa Wajaalenews u sheegay

mar aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay uu noo sheegay in  isla markiiba goobta soo gaadhay ciidamada dab-damiska oo bakhtiiyay dabkii ka kacay koonteenarada

Exit mobile version