WAJAALE NEWS

Maxaad kala Socotaa Sida Xukuumada Siilaanyo u Qaybisay Saamiga Warshada Sibidh Ee Berbera Iyo kooxa Qorsoon Ee Ku jira Saamigan ,

HARGAYSA(W,N) XOG CUSUB Wersheda Sibidhka Berbera Ayaa Waxa La Dhisay Dabayaaqadii Todobaataneeyadii taasi oo mudo kadibna la dhamaystiray .

Warshada sibidhka ee berbera oo dhawaan ay xukuumada siilaanyo ee xiligan wakhtigeedu dhamaaday ay sheegtay in ay ku wareejisay dhowr shirkadood Oo dalka laga leeyahay iyo shirkad ajaaniba, balse xukuumada siilaanyo ayaan si rasmiya shacabka ugu soo bandhigin sida look ala leeyahay saamigeeda iyo waliba doorka ay xukuumada iyo dadka deegaanku wax ugu yeelanayaan faa,iidadeeda ,

Arinta ayaa noqotay mid bulshada reer Somaliland iswaydiinteedu si xoogan uga dhex guxay wallow aan wali loo hayn faahfaahinteeda rasmiga iyo sida ay wax uga jiraan COMPANY AY Xukuumada ku sheegtay KIPKO oo laga leeyahay dalka Kuwait, oo sida xogahan aan helay ay  xuseen ay leedahay 30% saamiga wershada

Dhanka kale qorshana xukuumadu ku dhaxal wareejisay warshada sibidhka ee berbera oo iyadu ah bogcadii ugu danbaysay ee ku hadhay deegaanka saaxil oo xukuumadu hore siyaabo kala duwan ugu wareejisay. Ayaan iyana caday koox lagu sheegay magacooda BERBERA CEMENT  oo u muuqata koox ay madaxtooyadu soo abaabushay iskuguna jirta odoyaal caan ku ah xaraashka goobaha ugu muhiimsan ,

Sidoo kale xogahan aanu helnay  ayaa iyana xusay 10% in ay leedahay balse wararka hoose ee laga helayo arimahan ayaa tibaaxay aanay jirin wa xukuumadu leedahay balse 10% si khaasa uleeyihiin Qoyska Madaxtooyada.

Dhanka kale waxaa iyana shacabka somailand dareen shaki leh ka muujiyeen saamiga shirkada dahabshiil laga siiyay oo lagu sheegay 30%

Isku soo wada duub oo shacabka reer Somaliland ayaan wali helin dowlad si daahfuran ugu soo badhigta sida ay u maamushay khayraadka dalka iyo sida ay uqaybiso iyo wali mugdiga ku jira muuqaalada dhabta ah ee lagu wareejiyo hantida umada. Halkan  hoose ka eeg sida ay xukuumada u qaybisay shareka warshada sibidhka iyo doorkii xukuumada oo meesha gai ahaanba ka maqan

Berbera Cement 30%.

Dahabshiil Company 30%

Kipko Kuwait Company 30%

Dowlada Somaliland 10%

 

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

Exit mobile version