WAJAALE NEWS

Magacaabista Guddiga Culimadda. Ee Uu Madaxwayne Siilaanyo Magacaabay Oo Khilaafsan Dastuurka Qaranka JSL Iyo Qodobada Sharci Ee Uu Jabiyay.

HARGAYSA(W,N) Gudiga culimada somaliland ee uu madaxwayne Siilaanyo Magacaabay ayaa noqotay mid bulshada somaliland ku noqotay amakaag taasi oo ay dhex muuqdaan xubno xilal haya iyo sidoo kale xubno kucaan  ah kooxaysiga xiligan ee culimada

Dhanka kale madaxwayne siiilaanyo ayaa jabiyay qodobo sharci Sida uu dhigayo in loo dhiso guddiga dastuurka somaliland .

Hadaba aqoonyahan arimaha sharciga aqoon dheer uLeh ayaa bulshada usoo bandhigay qodobada uu jabiyay madaxwayne siilaanyo iyo aqoon la,aanta ka haysata sharci dalka uu madaxwaynaha ka yahay, isagoo oo arimahaasi sharaxayaana Garyaqaan Hussein Fadal  wuxu u dhignaa sidan qoraalkiisii;.

Magacaabista Guddiga culimadu ee uu M/waynuhu magacaabay waxay khilaafsan tahay Dastuurka Qaranka JSL gaar ahaan Qodobadda 118aad iyo Qodobka 119aad , sida uu dastuurku dhigayo qodobka 119 ee dastuurka wuxuu sheegayaa magacaabidda Guddiga culimadda waxaanu u dhigan yahay sidan:

QODOBKA 119AAD MAGACAABIDDA XUBNAHA GUDDIDA CULIMADA1. Xubnaha Guddida Culimada waxa soo magacaabaya guddi laga soo cayimo Golaha Xukuumadda iyo Golaha Guurtida oo is-tiro le’eg; waxaana oggolaanaya Golaha Guurtida.2. Guddida Culimadu iyagaa iska dhex-dooranaya Guddoomiye iyo Guddoomiye ku- xigeen

Sidoo kale waxaa guddigan ka dhex muuqda xubno Qaranka u haya xil qaran sida Sh. Maxamed Cali Gadhle oo ka mida ah Guddiga caddaaladda ee ku Xusan Qodobadda 107 iyo 108 ee dastuurka, taasina waxay khilaafsan tahay Qodobka 118 ee dastuurka oo sheegaya in aanay xubinta guddiga culimadda ka mid ahi aanay hayn xil qaran, qodobkaasi wuxuu u dhigan yahay sidan:

QODOBKA 118AAD WAXYAABAHA KA REEBBAN XUBNAHAXubnaha Guddida Culimada waxa ka reebban.1. Inay ku tilmaanaadaan xisbi siyaasadeed ama urur gaar ah oo Diineed. 2. Inay qabtaan xil kale oo Qaran inta ay xilka Guddida hayaan.

Haddaba Madaxwaynuhu markuu magacaabay guddigan miyaanu la tashan la taliyahiisa sharciga, mise dhinacaa sharciga lagalama taliyo?!!

FIIRO GAAR AH: haddii ay jirto magaacistaasi waa sidaa aan kor ku soo sheegay, haddii aanay jirina waa in loo raaco sida uu dastuurku dhigayo ee aan iyana sheegay.

 

 

 

By: Garyaqaan Hussein Fadal

Exit mobile version