WAJAALE NEWS

Khilaaf Xoogan Oo Soo Kala Dhexgalay Wasiir Xaglotoosiye Iyo Masuuliyiin Ay Isku Hayb Yihiin Madaxwayne Siilaanyo Iyo Jidkii Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Biyuhu Qaaday Oo Laga Cabsi Qabo Inuu Qaado

 

Hargaysa(Wajaalenews.net)-wasiirka wasaarada caafimaadka Somaliland Saleebaan Xaglo-Toosiye ayay maalmihii u danbeeyay fiintu dhexmiranasay isaga iyo wasiiru dawlaha wasaaradiisa, ka dib markii wasiiru dawlahaasi si badheedh ah warbaahinta uga sheegay in wasaarada caafimaadka Somaliland ku fashilantay hawshii loo igmaday sidoo kalana dusha uga tuuray dayacyada shuban biyoodka ka dilaacay qaar ka mid ah gobolada Dalka ha ugu darnaato magaalada Burco.

Waxaanay tani keentay in ay kala fogaadaan labadan masuul ee shaqada loo wada igmaday, waxaanay warar hoose sheegayaan in hore wasiiru dawlaha wasaarada caafimaadka iyo agaasimaha guud ee isla wasaaradaas oo ay labadaba isku hayb yihiin madaxwayne Silaanyo ay xoog ku saareen wasiir xaglo-Toosiye in uu xabsiga ka sii daayo saxafi labadii todobaad u danbeeyay ugu xidhnaa xabsiga Hargaysa wasiirka caafimaadka, taasna uu ka gaws adaygay wasiirku,waxaanay ilahani intaasi ku darayaan in maalmahan u danbeeyayba khilaaf aan walii dibada u soo bixin ka dhexeeyo masuuliyiintan haybsanaya madaxwaynaha iyo wasiirka caafimaadka oo dhinac ah,sidoo kalana waxay wararkani tibaaxayaan in ay dacwadu gaadhay wasiirka madaxtooyada oo inta badan birta dhaafiya ,masuuliyiinta ka gaws adayga amaawiirta reeraysan ee lagu dhaqo aqalka madaxtooyada.
Dhinaca kale wasiirka caafimaadka Somaliland ayaa culays lagu saaray in uu saxaafada ka sheego diyaarad dawooyin ah oo uu hore u sheegay wasiir xaglo=toosiye inay haayad u soo dirtay Burco balse lagu khasbay in uu raali galin ka bixiyo oo uu ku magacaabo wasiir ka mid ah wasiirada ay isku haybta yihiin madaxwaynaha,waxaana maalmahanba muuqday in wasiirka caafimaadka ay shaqadii ku cidhiidhyeen masuuliyiinta ay isku haybta yihiin madaxwaynaha iyaga oo barbar yaacaya adeegyada caafimaad ee uu ka wado wasiirku Burco, waxaanay dhamaan daliil u yihiin ilahani in xil ka qaadis ay la maagan yihiin masuulkan.
Wasiirada inta badan ay agaasimeyaasha u yihiin ama wasiiru dawlaha u yihiin xubnaha ay isku haybta yihiin madaxwaynaha ayaa saamayn taban ku yeesha gudashada shaqo ee wasiiradaasi iyada oo la ogaa foolxumadii ku dhacday wasiirkii hore wasaarada biyaha Baashe Cali Jaamac oo mudo ay is haysteen agaasimihiisa in dabada uu saaray agaasimahaasi reernimo sidaasna uu ku galaaftay wasiirkii biyaha oo mansab ahaan ka sareeyay agaasimaha balse hayb ahaan madaxwayne ku galaaftay masuulkaas u shaqaynayay qaranka.

Si kastaba ha ahaatee masuuliyiintan ay isku haybta yihiin madaxwaynaha ayaa hadii ay ku guulaystaan in ay xilka ka xayuubiyaan wasiir xaglo-toosiye noqon doonta dhabar jab iyo qaraabo kiil soo gaadhay qarankan dhawrsanaa taas oo noqon doonta baraha madaw ee ku yaala xukuumada madaxwayne Silaanyo.

 

 

Wariye Xamse Jirde Axmed

WAJAALENEWS/DESSK

HARGAYSA OFFICE

Exit mobile version