WAJAALE NEWS

Gudida Culimada Ah Ee Madaxwayne Siilaanyo magacaabay Oo mugdi iyo walaac Halis Ah Galiyay Siyaasada Somaliland Gaar Ahaan Doorashada Soo Socota

Hargaysa(Wajaalenews)-Waxa ilaa iyo markii uu madaxwayne siilaanyo magaacabay gudida culimada ah  hadal hayn badan ka dhaliyay goobo badan oo dalka ka mid ah, taasi oo uu madaxwayne siilaanyo magacawgooda uu ku soo beegay wakhtiga ka tagista xilka madaxweyne.

Arintani culimada oo uu madaxweynahu uu sheegay in uu ugudbiyay golaha guurtida si ay u sharciyeeyaan, ayaa waxa soo baxaysa hadalo shaki leh oo sheegaay in gudigani la doonaayo in ay ka mid noqdaan khilaaf la galinaayo doorashada soo socota oo ay ka mid noqon doonaan gole ka qayb qaata daminta iyo xalinta rabshadaha iyo hadalada ka soo baxi doona doorshada soo socota taasi oo loo sababeeyay isku aadka xiliga uu Siilaanyo ku dhawaaqay mudaynta doorshada madaxweynaha taasi oo uu daba dhigay gudigani oo macnayaal badan loo fashishay.

In kasta oo laba ka mid ah culimada liiskani ku qorani ay iska casileen magacwgaasi hadana waxa la gudbon dhamaan culimada in ay diidaan arimaha murigada leh ee la doonaayo in afka loo galiyo, waana kuwan liiska magacyada culimada la doonaayo in siyaasda lagu milo

  1. Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Boqorre Jawhar.
    2. Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed
    3. Sheekh Maxamed Cumar Dirir
    4. Sheekh Dr Axmed Jaamac Ismaaciil
    5. Sheekh Dr Cabdirashiid Sheekh Saalax
    6. Sheekh Dr Xasan Sheekh Cali Warsame
    7. Sheekh Dr Cumar Yuusuf Axmed
    8. Sheekh Cabdilaahi Xasan Xaashi Barbarawi
    9. Sheekh Cabdikariim Xasan Xoosh
    10. Sheekh Maxamed Cali Jaamac (Gadhle)
    11. Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed Cabdi
    12. Sheekh Maxamed Xasan Yuusuf (Agaasimaha guud ee guddida)

 

 

WAJAALENEWS.NET

HARGAYSA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

Exit mobile version