WAJAALE NEWS

Fariiin Caafimaad Shuban Biyoodka

Moyarka caasimada waxa waqti xaadirkan u yaala fursado shaqo oo lagaga hortagi karo shuban biyoodka  laguna sugi karo nadaafada caasimada uu ka masuulka yahay  sida in la joojiyo biyaha  ceelasha dooxa iyo dameerada biyaha ganacsi ka iibiya bulshada waa in moyarku si gaara u eega  nadaafada biyaha booyada ee caasimada waraabiya  madaama aanay biyaha qasabadaha aanay soo gaadhin caasimada qaybo ka mida in uu qaado olole nadaafadeed  dhaaman shirkadaha caasimada  in uu diyaaariyo  teem staf heegan ah oo fayadhowrayaal aqoon waxbarasho leh haday jiraan

Dawlada hoose oo aan waqti xaadirkan lahayn shaqaale leh aqoon fayadhowr oo ay bulshada  kaga wacyi galiyaan waxyaabaha ay ka

 

dhalan karaan shuban biyoodka  oo hada si xooga uga jira  gobolada bari waxa loo baahan yahay in la sugu nadaafada sida goobaha hudheelada cuntada  gaar ahaan goobta cunto karinta  sidoo kale waa in aynu ka wacyi galina kuna qasabnaa dadka cuntooyinka afka banaan ku iibinaya suuuqyada magaaloyinka sida  goobaha sariibadaha waa in bac nadiifa lagu daboola  sidoo kale waa in la qaada qashinka daadsan goobaha magaaloyinka gaar ahaan dawlada hoose iyo shirkadaha waxa kadib loo baahan yahay in la buufiyo goobaha qashinka qoyan yaalo sida dump site  waa in laga hela maamulka dawlada hoose shaqaale tababaran oo leh aqoon fayadhowr oo gurman kara hadii  shuban biyoodkan isku badalo cloarea  break out oo bulshada ku hagi kara  aqoontooda  fayadhawr

Baahida biyo yaraanta iyo qashinka magaaloyinka oo si fiican loo maarayn  basrin waayo waxa ka dhasha xanuuno halis caafimaad   daro soo gaadhsiya bulshada sidaa daraadeed waxa waajib ah in la ilaaliyo nadaafada biyaha iyo weelka biyaha aynu ku shubano

Biyahu waa noolasha aadamiga jidhkeenu 94% waxa uu ka samaysan yahay ama u badan  yahay biyo  sida qaybaha habdhisyada jidhkeenu ay u baahanyahiin in ay ku shaqeeyan biyo sida wareega dhiiga  habdhiska dheefshiidka aadamiga etc

Waxa loo baahan yahay in aynu had iyo goor aad u badsano isticmaalka biyo nadiifa oo dawaysan waxa kale oo loo bahanyahay in aynu ka shaqayno fayadhowrka nadaafada biyaha iyo nadaafada weelka  aynu ku shubano ama ku kaydsano biyaha nadaafada weelka kaydinta biyaha oo aan la ilaalin had iyo goor waxa ka iman kara  nadaafad xumo

Sidoo kale waxa loo baahan yahay in had iyo goor la ilaaliyo nadaafada  biyaha baliyada harooyinka waa in aan lagu dul maydhin  dharka ama aan lagu saxaroon  agaagarka biyaha sidoo kale waa in had iyo goor laga feejignaada waqtiga waraabinta xoolaha  in xoolaha lagu sii daayo  goobta keydka biyaha

Waxa kale oo loo baahanyahay oo masuuliyad culusi inaga saarantahay  nadaafada  magaaloyinka oo loo bahanyahay in aynu xil iska saaro maaraynta qashinka oo si  fiican loo basriyo  qashinka waa in lagu keydiyaa weel dabool leh oo hawada u furan  waa in la dhigaa goob ku haboon waa in aan qashinka lagu tuurin  wadooyinka iyo sharacyada  dawlada hoose waxa loo bahan yahay in  ay had iyo goor si feejigan ula socdaan  nadaafada magaaloyinka  iyo hadba heerka uu marayo qashinka magaaloyinka iyo goobaha laga qaaday iyo inta uu  kg ee qashin ah ee laga saaray magaalada maalintii si loo helo data waxqabad oo lagula socdo xajmiga  baaxada qashinka   magaaloyinka dalka  iyadoo bulshadeenu aanay xil iska saarin nadaafada  deeganka iyo waxyeelada cafimaad  daro  ee ka iman karta qashinka oo aan si fiican aan loo basrin ama aan loo marayn

Waxa kale oo loo bahanyahay  in dawlada hoose ee dalku ay ku daba galan  qashinka magaaloyinka iyo shirkadaha  u xilsaran  maaraynta qashinka magaloyinka oo waqti xaadirkan aad moodo  in la leeyahiiin heeshiis qarsoon moyarka caasimada maadama oo aan la kala saarin heerkooda  waxqabad maareyn qashin iyo qalabka ay ku maamulayaan  maaraynta qashinka magaaloyinka kadib sida uu dhigayo heshiiskii qashinka magaaloyinka dalka sida shirkadaha privite sectors iyo dawlada hoose  ppp waa in dib loo eega shirkada kasoo bixi wayda  heshiiska

Waa in aynu had iyo goor u feejignaana  nadaafada iyo bilicda magaaloyinka dalka  hadii nadaafada xumaato ma jirto noolal iyo caafimad qab ay bulshadu ku naaloto waxaana dilaaci kara oo dalka ku fidi kara xanuunka shuban biyoodka oo hada ku soo fidaya gobolada dalka

Qofka oo biyo nadiifa oo uu waqti kasta isticmaalo cabitaankooda siiba waqtiga aroortii marka uu tooso waxay daawo ka yahiin xanuunada calool istaaga iyo cuduro badan oo ay keenan biyo yaraanta

Waxa waajib in had iyo goor aynu si feejigan uu u ilaalino nadaafada deegankeena iyo nadaafada gooboha ay inoo soo maraan

ilaha biyaha aynu ka helo ama aynu ku kaydsano biyaha sida foostoyinka jirikamada etc oo u baahan in si gaara loo nadiifiyo

 

 

W/Q: Dr Buux Ibraahin Aadan

Fayo-dhawre madax bannaan

buux2010@gmail.com

Exit mobile version