WAJAALE NEWS

Dowladda Sacuudiga Oo Soomaaliya cadaadis ku saareysa in ay xidhiidhka u jarto Qatar

Hargaysa(Wajaalenews) – Dowladda Sacuudiga ayaa lagu soo waramayaa in ay cadaadis ba’an ku saareyso dowladda Soomaaliya in ay dib uga laabato mowqifka ay ka qaadatay khilaafka ka taagan wadamada Carabta islamarkaana xidhiidhka u jarto dowladda Qatar.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in dhaqaale Sacuudigu uu u balanqaaday in uu siinayo Soomaaliya uu dib u dhac ku iman karo haddii ay Soomaalia ay mowqifkeeda ku adkaysato oo aysan taageerin mowqifka Sacuudiga uu ka qaatay Qatar.

 

Dhawaan waxaa tagay dalka Sacuudiga wafdi heer wasiiro ah oo ka socday dowladda Soomaaliya, kuwaa oo la sheegay in ay qaabileen agaasimayaal, halkii uu markii hore qorshuhu ahaa in ay is arkaan wasiirada dhigooda ee dalkaasi Sacuudiga.

Daahir Maxamuud Geelle oo ah safiirka dowladda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga ayaa dhiniciisa qiray in wasiirradii ka socday DF Soomaaliya aysan is arag dhigooda boqortooyada Sacuudiga, hasse ahaatee ay la kulmeen mas’uuliyiintii ay khuseysay ujeedada socdaalkooda.

 

‘’Waxaa run a in aysan is arag wasiirradii dhigooda ahaa , laakiin markii horeba qorshuhu ma aheyn in ay wasiiro kulmaan, tusaalle ahaan wafdiga waxaa ka mid ahaa wasiirka duulista hawada waxaa ay is arkeen dad ka socday wasaarrada duulista hawada Sacuudiga, ‘’’ayuu yidhi safiirka.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa dhinaca kale sheegay in wafdi ka socday dowladda Sacuudiga oo loo xilsaaray in arintan ay kala hadlaan dowladda Soomaaliya tageen magaalada Muqdisho iyaga oo kulan la qaatay madaxda ugu sareysa dalka oo uu ka mid yahay madaxweynaha, balse waxaa uu beeniyay in wafdigii dhawaan tagay Sacuudiga ee ka socday maamulka Soomaaliya lagu soo hadal qaaday in Soomaaliya xidhiidhka u jarto Qatar.

 

‘’Wafdiga oo sharaxaad ka bixinaya mowqifka dowladda Sacuudiga ee Qatar Muqdisho ayeey tageen madaxweynaha Soomaaliya ayeey la fadhiisteen, waa run in aragtida Sacuudiga iyo Soomaaliya ee ku aadan Qatar ay kala duwan tahay, laakiin wafdigii halkan yimid ee wasiirada ahaan marnaba arintaa laguma soo hadal qaadin’’ ayuu yidhi safiirka dowladda Soomaaliya ee Sacuudiga Daahir Maxamuud Geelle.

 

Sidoo kale safiirka ayaa sheegay in Aanu ka warqabin safar wasiirka arimaha dibada Sacuudiga uu ku tagi doono wadamo ay Soomaaliya ka mid tahay, isaga oo dhinaca kalana meesha ka saaray mugdi la sheegay in uu soo kala dhax-gallay xidhiidhka labada dowladood ‘’Waxaan rabaa in aan kuu caddeeyo xidhiidhka Soomaaliya ay la leedahay Sacuudiga ma jiro wadan Carbeed oo ay la leedahay, ‘’ ayuu hadalkiisa sii raaciiyay safiir Geelle.

 

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in ay dhexdhaxaad ka tahay khilaafka siyaasadeed ee ka jira wadamada Khaliijka, waxaana ay ku baaqday in wada hadal wax walba lagu dhameeyo.

Exit mobile version