WAJAALE NEWS

Daawo: Khasaarihii Ka Dhashay Goob ay Taageerayaasha Kooxda Juventus Ku Daawanayeen Final-ka Champions League

Ku dhawaad 1,000 qof ayaa ku dhaawacantay magaalada Turin ee dalka Talyaaniga kaddib markii la maqlay wax qarax u eg, kaas oo sababay in dadweyne daawanayey ciyaartii final-ka ee Champion Leage ay si cidhiidhi ah kaga baxaan goobtii ay ciyaarta ku daawanayeen.

Kumannaan qof oo taageerayaal kubad cag ah ayaa daawanayay ciyaartii finaalka Champions League ee Cardiff ku dhexmartay kooxaha Juventus iyo Real Madrid markii la maqlay jug weyn taas horseedday in la isla dhexmaro in qarax uu dhacay.

Ugu yaraan laba qof oo uu mid yahay canug yar oo todoba jir ah ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus.

 

Iyadoo 10 daqiiqo ay ka harsan tahay qeybta labaad ee ciyaarta, ayaa dad fara badan waxa ay isaga carareen fagaaraha ciyaarta laga daawanayey ee  Piazza San Carlo, iyadoo dadkuna ay isku cidhiidhiyeen xayndaab la dhigay fagaarahaas.

Boorsooyinka lagu qaato gacmaha iyo kabo ayaa lagaga tagay y barxaddii lagu daawanayey ciyaarta  xilli dadku ay ka baxayeen fagaaraha iyagoo qeylinaya.

Qaar ka mid ah taageerayaasha kooxda Juventus ayey dhacdadan ku keentay inay dib u xusuustaan musiibadii 1985 ka dhacday garoonka Heysel, halkaas oo ay 39 qof ku dhinteen, kuwaas oo intooda badan ay ahaayeen taageerayaal Talyaani ah, kaddib markii uu ku soo dumay darbi ka hor ciyaartii finaalka Koobka Yurub ee Juventus la dheeshay Liverpool.

 

 

Exit mobile version