WAJAALE NEWS

Cristiano Ronaldo Oo La Filayo Inuu Ka Tago Real Madrid

Xidiga kooxda Real Madrid, Cristiano Ronaldo, ayaa aad uga cadhooday eedeynta ah inuu canshuur la baxsaday, waxaana uu doonayaa inuu kooxdaasi ka tago, sida uu BBC-da u sheegay qof aad ugu dhaw.

Dacwad oogayaasha Spain ayaa ku eedeeyay 32 jirkan inuu dalkaasi ka musuq maasuqay caanshuur malaayiin euro ah, eedeyntaasi oo uu beeniyay Ronaldo.
“Waxa uu dareemayaa in uu yahay qof daacad ah, oo dabeecad wanaagsan, wax kastana u sameeyay sidii laga rabay,” ayuu sheegay qofkaasi.
Qandaraaskiisa Real Madrid ayaa dhigaya in kooxdii doonaysa Ronald ay ku iibsato hal bilyan oo euro.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ronaldo ay ka go’an tahay inuu gebi ahaanba isaga tago Spain.
La taliyayaasha laacibkan ayaa doonaya in aanu Yurub ka dhex bixin, oo haddii uu Real ka tegayo uu tago kooxda Paris St-Germain, ama uu ku laabto horyaalka Ingiriiska.

Real Madrid ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in ay ku qanacsan tahay Ronaldo, baadhitaankana uu muujin doono in aanu wax dembi ah gelin.

Exit mobile version