MAAMULKA Gabiley waa inuu odorasaa balaadhinta stragega biyaha ee gobolka si loo helo biyo ku filan cabitaanka magaalooyinka iyo waraabka beeraha
khilaafka ceelasha biyaha botor waa inagu ceeb maamul ahaan inaynu xalin wayno, dadka beeralayda ah ee degaanka alle ku uumay waa beero-kunool quuta waxa alle bertooda uga soo saaro eey tabcadayan waxa taas u dheer raadkii ay abbaartu kaga tagtay degaanka, maanta waxa kaliya eey ku noolaan karaan waa tacabka beeraha , xadhigu waxa uu ahaa inuu noqdo xalka ugu dambeeya ,
lakin imika sidan lagu gaadhi maaayo xal 30 qof oo badhkood ayna ogayba waxa dhacaya oo bal soo eega xabada maxaa ridaya uun meesha u yimid baa hargiesa ku xidhan caruur aan qaangaadhin baa xidhan, dunuubta intaa leeg yaa qaba, qoysaskan badhkood sida reer CABDILAAHI CAMMUD IYO CABDI HASAN beerohoodii waxay noqdeen SABBO AMA WADO Booyadahu maraan waxay taas u sameeyeen inay waraabiyaan walaalohooda reer gabiley ama kalabaydh, way ku saxsanaayeen abaalkoodii ma waxaynu ka dhignay xadhig, taasi sax maaha cadaaladna maaha waa inay helaan SAAMI ay ku noolaan karaan, ceelku waa dan guud dowladaana ka musuula qaybsiga biyaha iyaguna ma diidana, tallo aan la rog-rogin ragbaan helin- ee cadhadu yeyna ina shaqayn ee caqligu ha ina shaqeeyo .
QALINKII SACAD TAANI