WAJAALE NEWS

Axkaamta Bisha Ramadaan Qaybtii 23-aad ..W/Q: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Ictikaafku shareeco ahaan, waa qofka oo ku nagaada in muddo ah masaajidka, Alle SWT dartii. Waana arrin ka sugnaatay Rasuulka CSW in uu sameeyey, Alle SWT wuxu yidhi isaga oo iftiminaya Ictikaafka, “Hala kulmina xaasaskiinna idinka oo ku ictikaafsan masaajidka.”

Ictikaafku Rasuulkeenna CSW hortii wuxu ahaa cibaado lala iman jiray, sida Alle SWT sheegay ba, “Waxa asnnu kula ballanay Ibraahim iyo Ismaaciil in ay u nadiifiyaan gurigayga ‘Kacbada’ kuwa dawaafaya, iyo ictikaafaya.”

Sida oo kale Ictikaafku wuxu leeyahay Axkaam, Shuruud, Adaab iyo wax jabiya markaa haddaynu iska soo ururino waxa aynnu ku soo
 
koobi lahayn:-

Axkaamta ictikaafka

Waa sunne

Waa sunne la adkeeyey tobanka dambe ee ramadaan

Waajib ayuu noqonaya haddu qofku ku  nadro

Shurudaha ictikaafka

Niyadda in aad galiso inaad ictikaafayso, waa laga marmaan waayo niyaddaa wax kala saarta in aad maasajidka iska fadhido iyo inaad ku ictikaafayso.

In aanad maasajidka ka bixin cudur daar la’aan sida in aad wax soo cunayso, soo maydhanayso, iwm.

Adaabta ictikaafka

In aad ku mashquusho Quraan akhris, digri iyo duco badan

In aad iska ilaaliso hadalka badan

Xanta iyo isku dirka iyo malayacniga waa in aad ka fogaataa

In aanad la soo dhex gelin maasajidka wax wakhtiga ka qaada sida game, ama lapton aad internet ku soo xidhato oo aad halka dadka kala sheekaysato wakhtigii cibadadana kaa lumiya.

Waxa buriya ictikaafka

Galmada

Dhiigga caadada

Qofka oo ka baxa maasajidka cudur daar la’aan

Qofka  oo diinta ka baxa

Sheekh cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan Rakuub

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com

 

 

Exit mobile version