Waxaa Hadaba bacadka la soo joojiyey boqolaal arday oo ay hor kacaysay maamulaha Dugsiga hoose Dhexe ee SHeekh bashiir
Bismillah.
Waxaa maanta dalka ku soo laabtay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland. Madaxweynuhu Wuxuu inaga Mudan yahay ixtiraam iyo Sharaf, Hadaba inagoo shacbi ahaan qadarinayna SHARAFTA IYO CISIGA uu inaga mudan yahay madax weynuhu waxaa weeye in aynu ka ilaalino waxyaabaha Sharaftiisa hoos u dhigaya.
Hadii aan Dulucda maqaalkaygan usoo daadago iyo sababta igu kaliftey in aan qalinka qaato waxaa weeye SOO DHAWAYNTA XAD DHAAFKA AH EE MADAX WEYNAHA LAGALA HOR TAGAY. Madaxweyne Axmed Dalka kuma aha Qariib Soo dhawayn intaas leeg na inoogama baahna waayo shaqada uu hayo wuxuu u hayaa shacbiga reer Somaliland waana Nin howshii loo igmaday ku gudo jira oo shaqadiisa wata, waxaanan Huba in aanu isagu odhan SCHOOL lada hala so xidho ardayda wax baranaysana xiisadaha
ay ku jiraan ha laga soo saaro oo bacadka ha la soo joojiyo.
Waxaa Hadaba bacadka la soo joojiyey boqolaal arday oo ay hor kacaysay maamulaha Dugsiga hoose Dhexe ee SHeekh bashiir. Caruur school lasoo diray in bacadka lasafo la yidhaahdo madaxwaynaa maraya Jidka ee u sacabo tuma oo sii galbiya waa dhaqan laga dhaxlay Madaxda kelitalisnimada xukunka ku qabsada waana caado aan wacnayn hadii ay sii socoto.
Wax barashadu waa sheyga la isku dhaafey, ee Dunida koowaad inagu dhaaftey, wakhtiga ardaygu uu wax baranayo waa ubax dalka u soo baxaya ubaxana hadii aan la biyeen ma koro oo ba beermo. Taasna waxaam uga socdaa Hadii Aynu Hal saac bacadka soo istaajino ARDEYDA waxay ka go’antahay UBIXII aynu beereynay iyo mustaqbalka dalkeena.
Taas waxaa ka sii daran Cashuurihii laga qaadaayey islaaha bacadka fadhiya ee sidey ku helaanba ilaahay uun qiyaasi karo in lagu tamashleeyo oo durbaan lagu tuntoo, BAABUUR IYO BASAS lagu soo kireeyo, SHiidaalna laga Buuxiyo. Maalintaas oo kalya lacagta ku baxaysa soo dhawaynta intaas leeg, hadii qasnada qaranka loo dayn lahaa Bari wax weyn bey tari lahayd.
Waxaa iyana ka sii Daran in wasiiradii iyo agaasimayaashii howlahoogii loo igmaday ka doorbidey abaabulka soo dhawaynta madaxweynaha. Tollow yaa ku yidhaa Nimankaas Madaxweynuhu Qariib kuma aha dalka, Dalkani waa kuu u soo halgamay, imikana dalkiisa iyo dadkiisa ayuu u shaqeynayaa. Lakiin waxaa jira Niman Iyagu howlahooga ka doortay shaqo aan loo igman. Waxaa uu Dayac badani ka muuqdaa Wasaarado Badan, oo bilicdooda aad ka yaabayso, waxaa maamulxumo ka jirtaa wasaarada qaar, oo reer reer la isku shaqaaleysiiyaa, waxay soo howlgalaan 11ka duhirnimo, waxayna laabtaan, 12 duhurnimo. Miyeyna markaa ayaan daro ahayn, in nin howshii lo igmadey ka tagey oo tu kale mashquulsan.
Waxa wanagsan in sharafta aan la qaadin madaxweynaha, waayo shaqadii qaranku u igmadey buu gudanayaa. Halka wasiirada badankodu ay howlohooga ay qaranka u hayaan gabeen. Wasiir kastaaba hadii Wasaaradiisa ku eekaado, Ardeydu class kooda ku eekaato. Waxaa hubaal ah in aynu howumar iyo gaadhi doono, waa hadii aynu ka waantowno, caada xumidaas. waayo is dhex boodka iyo maamul xumadaas waa ta Qaaradeena Africa dib u dhigtay ee qeyrkeed ka reebtay.
WA BILAAHI TOQFIIQ-
Mukhtar Ahmed Aden
Mukhtargunga@hotmail.com