WAJAALE NEWS

Akhriso: Nuxurka Kulan Dhexmaray Gudiga Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka Iyo Sadexda Xisbi Qaran

Hargeysa(Wajaalenews)-Guddiga komishanka doorashooyinka Qaranka Somailand ayaa maanta kulan kula qaatay xafiiskooda masuuliyiinta iyo hogaanka saddexda xisbi Qaran ee UCID,WADDANI iyo KULMIYE.

Waxaana kulankan dhex maray labada dhinac ee guddiga Komishanka iyo Axsaabta Qaranku uu ahaa mid ay kaga wada hadleen qodobo dhawr ah oo ay kamid yihiin sidii loogu diyaar garoobi lahaa qaybinta Kaadhadhka codbixinta ee ka bilaabmaya labada gobol ee Togdheer iyo Maroodi-jeex iyo waliba sidii loogu diyaar garoobi lahaa Doorashada madaxtooyada oo madaxwayne Siilaanyo qalinka ku duugay inay dalka ka dhacdo 13-November 2017-,sidoo kalena labadan dhinac ayaa waxa ka hadleen casharadii laga bartay wajigii koowaad ee qaybinta Kaadhadhka codbixinta ee kasoo dhamaatay gobolada Awdal,Saaxil iyo xeebaha gobolka Sanaag.

Sidoo kalena Komishanka Qaranka iyo masuuliyiinta saddexda xisbi Qaran waxay ka wada hadleen isla markaana ay isla qaateen habka ay magacyadda iyo astaamaha ay xisbigu ugu kala horeeyaan warqadda Codbixinta iyo qoraalada kale ee Doorashada madaxtooyad taas oo u dhacday hab qori tuur ah.
Waxaana kulankan dhex maray labada dhinacba uu kusoo dhamaaday is fahan.

 

 

 

Wajaalenews.net

Hargaysa Office

Exit mobile version