WAJAALE NEWS

Labadii Sargaal Ee Xisbiga Wadani Ka Xidhnaa Oo Hada Dib U Helay Xoriyadoodii

Hargeysa(wajaalenews)May.29,2017-Wararka hadda soo gaadhaya xafiiska shabakada wararka Ramaasnews ayaa waxay sheegayaan in hadda ay dib u heleen xorriyadoodii labada sarkaal oo ka tirsan xisbiga WADDANI oo muddo 49 cisho ah ku xidhnaa magaalada Hargeysa.

Labadan sarkaal ee dib u helay xorriyadooda ayaa kala ah gudoomiyihii garabka dhalinyarada WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme iyo xoghayihii Ciyaaraha WADDANI Yoonis Axmed Yoonis kuwaas oo xeer ilaalinta Somaliland ay kusoo oogtay dacwado kala duwan isla markaana ay dhawaan maxkamadda Hargeysa xukuno iyo go’aan kasoo saartay.

Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa amartay in lasii daayo gudoomiyaha garabka dhalinyarada WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme halka ay xukun Hal sanno ah ku xukuntay xoghayihii ciyaaraha WADDANI Yoonis Axmed Yoonis,waxaana xukunkaasi iyo go’aamadaa kasoo baxay maxkamadda racfaan ka qaatay xeer ilaalinta Somaliland iyaga oo dibna loogu celiyey xabsigii ay ku jireen.

Masuuliyiinta iyo hogaanka sare ee xisbiga WADDANI ayaa dadaalo badan oo ay sameeyeen kadib waxay ku guulaysteen inay dib xorriyadooda u halaan labadan sarkaal wallow ay wararku sheegayaan in damaanad lagu soo daayey labadan sarkaal ee Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Yoonis Axmed Yoonis.

Exit mobile version