WAJAALE NEWS

Hillery Clinton Oo Faahfaahisay Sababihii Looga Guulaystay

Mss Hillery Clinton ayaa markii ugu horaysay si rasmi ah uga hadashay guuldaradii ka soo gaadhay tartankii doorashada Madaxweynanimada ee dalkeeda Maraykanka.

Hillery Clinton waxa ay sheegtay inay iyadu qaadayso khasaarihii Xisbiga ka soo gaadhay tartankii madaxweynanimada ee ay Xisbigu u sharaxeen, laakiin waxa ay intaa raacisay in ay aaminsan tahay in guuldarada ay qayb ka qaateen arimaha ay ka mid yihiin hoos u dhiga haweenka, farogelintii Ruushka iyo warbixinahii shakiga badan dadka ku dhaliyey ee Hay’adda sirdoonka Maraykanka ee FBI ay iyada ka sheegayeen.

Hillery Clinton waxa ay faahfaahintan bixisay Xilli ay Magaalada Newyork kaga qaybgashay kulanweynaha Haweenka ee Women intranational, waxana iyada oo Telefishinka caalamiga ah ee CNN u waramaysay ay tidhi sidan: ‘Runtii ololahaygu ma ahayn mid debecsanaa, waxana aan ku kalsoonaa in aan guulaysto laakiin waxaa wax badani is bedeleen markii uu 28 Oktober hadlay Gudoomiyaha Hay’adda FBI Jim Comy oo warbixin siiyey Golaha Kongareeska, sidoo kalena uu Wekelilkeis-ka raashiya soo daayey warbixino badan oo dadkii ii codayn lahaa shaki ku abuuray dabeetana ay werwer dareemeen’ waxana ay intaa raacisay in hadii doorashadu dhici lahayd 27 Oktober ay noqon lahayd Madaxweynaha Maraykanka.

Dhanka kalena Clinton waxay si weyn uga hadashay saamayntii ay natiijada doorashada ku yeelatay farogelintii Ruushka oo ay ku eedaysay inay Weckelikes-ka oo la shaqaynayay Raashiya la socdeen fariimaha ay isu dirayeen hawlwadeenada gudidii ololaheeda doorashadu, waxana ay farogelinta madaxweynaha Ruushka ee Doorashadii Maraykanka ku tilmaantay mid uu iyada kaga soo horjeeday uguna hiilinayey ciddii la tartamaysay.

Clinton oo ka jawaabaysay su’aal ku saabsanayd in dumarka ay tahay darteed ay raad ku yeelatay natiijadii soo baxday, waxa ay sheegtay in nacaybka loo qabo haweenku yahay mid ka jira Ameerika iyo guud ahaan Dunida saamayna ku leh dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo weliba arimaha bulshada.

Hussein Kurdi

xogtadunida.com

Exit mobile version