WAJAALE NEWS

Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye Ee Degmada Arabsiyo Cali Yoonis Habane Oo Iscasilay Iyo Sobobta keenay Is casilaadiisa!!

Arabsiyo (W,N) Gudoomiyhii Degmada Arabsiyo Cali Yoonis Habane ayaa Iscasiley isagoo Qoraal uu ku soo saaray maanta ku sheegay sobobaha uu isku casiley .

Cali yoonis habane oo ahaa Gudoomiyihii ugu mudada dheer ee xisbiga kulmiye ee Degmada arabsiyo ismarkaana ay walaalo yihiin Haalgamaagii Waynaa Aas Aasihii Ciidanka qaranka Alleh ha unaxariistee  Muj Xasan Yoonis Habane ayaa xiligan  iska casilay xilki uu ka hayay xisbi xaakimka kulmiye kaasi oo noqoya shakhsiyaadii ugu danbeeyay ee ka dhaqaaqa xisbiga kulmiye oo ay hore dadwaynaha reer arabsiyo uga digo rogteen una dhaqaaqeen mucaarid iyo jidkii Isbadalka .

HADABA QORAAL UU KU SEXEEXAN YAHAY GUDOOMIYAHA DEGMADA ARABSIYO OO UU KU CADEEYAY ISCASILADIISA AYAA UDHIGNAA SIDAN;

Jamhuuriiyada Somaliland

 

Ku:- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley

Ku:- Gudida Fulinta Gobolka GAbiley Ee Xisbiga Kulmiye

Ujeedo :- Iscasilaad

Anigoo Ah Mujaahid Cali Yoonis Habane Ahaana Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Degmada Arabisyo Waxaan Halkani ka Cadaynayaa In Aan Iska Casilay Xilka Aan U Hayey Xisbiga Kulmiye ee Degmada Arabsiyo Laakiin Aan Ahay Wali Xubinimada Xisbigaasi Kulmiye

Markaa Waxaan u Sheegayaa In Ay Sidaas Ula Socdaan Maamulka Xsibiga Kulmiye ee Gabiley iyo Gudida Fulintuba

Waxana Ku Saxeexnaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Xilka Iska Casilay CALI YOONIS HABANE

Si katbaha ha ahaatee Iscasilaada gudoomiyaha degmada Arabsiyo Cali Yoonis Habane ayaa marag cad unoqonaysa sida uu xisbiga kulmiye faro Madhan uga taagan Yahay taageerada dadwyanaha degmada arabsiyo oo iyagu xiligan xukuumada siilaanyo iyo xisbigeeda ka huleelay kadib markii mudo dheer ay waxba laga qaban waayeen Tabashada Deegaanka Arabsiyo  iyagoo xiligan taageeradoodii isku geeyay muraacidka iyo xisbiga wadani taasi oo la filayo in aywax wayn ka badasho  cududii uu xisbiga kulmiye ku lahaan jiray gobolka gabiley ismarkaana ay kor usii kacayso taageerada ay xisbiyada mucaaridku ka helayaan gobolka lagu garto bilowga dabaysha isbadalka iyo jidka mucaaridada rasmiga ah;

WAJAALENEWS DESK

ARABSIYO OFFICE

Exit mobile version