WAJAALE NEWS

War-Deg-Dega:Dagaal Maanta Ka Bilaabmay Koonfurta Gobolka Sool Oo Sobobay Khaasaare Isugu Jira Dhimasho Iyo Dhaawac

Hargaysa(Wajaalenews)wararka naga soo gaadhaya koonfurta gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta hallkaas dagaal ku dhexmaray labo beelood oo walaalo ah,dagaalkan ayaa sida ay wararku tibaaxayaan waxaa ku nafwaayay tiro aan la xaqiijin oo hordhac ah 5 ruux  halka dhaawacuna intaa ka badan yahay sida uu shabakadan wararka Wajaalenews uu u xaqiijiyay qof ku sugan gobolka Sool.

Deeganada uu ka bilaabmay dagaalku ayaa ah deeganka Dabo Tag Ee koonfurta gobolka Sool, Labadan beelood ee walaalaha ah ayaa hore dagaalo ugu dhexmareen konfurta gobolka Sool beelahaas oo tirobada dhawr jeer lakala dhexdhigay heshiisyo balse aan nabad buuxda wali laga islaaxin.

 

 

Exit mobile version