WAJAALE NEWS

Sicir Bararkii Oo Gaadhay Meeshii ugu Saraysay Waqti Abaareed.

Waxaa uu Waddanku ku jiraa marxalad adag oo Abaaro ah waxaa sidoo kale heerkii ugu Saraysay maraya Sixir barar saamayn wayn ku yeeshay noloshii dadkii la dhibaataysnaa abaarta iyo xoolihii oo lajoojiyey,  dad badan ayay noloshoodii ku jirtaa halis kadib markii xoolihii ka idlaadeen wax gargaarana aan illaa hada helin gudida abaaruhuna waxay ku noqnoqdaan meelo Gaara ee waddanka oo dhan miyaanuu xilka saarnayn? Ha usimaan so Cadaalada waxa dadka loogu dhiibo.

Inkastoo dedaal lasameeyey hadana fari kama qodna dhibaatada jirta waxka qabashadeeduna ma dhibyara, hadaba dhibaatada abaartu waa arin xaga ilaahay ka timi waxaana qaadi Kara Allah swt. Lakin dhibaatada sixir bararku waa farsamo xumaanteena waxaan ku canaanayaa ganacsatada waxaa yaduna ku ceebaysan xukuumada talada haysa oo aan illaa hada waxba ka qaban, Marka la helo dhibtu halkay katimi waa daawada badhkeed ayay tidhaah xikmad caafimaad.

Dollar kii ayaa kor ukacay oo qiimo tiray shilinkii Somaliland waana laba arimood ogaalkay.

1- dollarkii dalka soo gelijiray oo yaraaday kadib  sababta koowaad markii xoolihii lajoojiyey dollarkii dibada inaga soo gali jiray ayaa yaraaday madaama aanu dalkeenu dibada waxkale oo wayn u dhoofin marka laga yimaado xoolaha,

2- Cilada labaad waxaa sabab u ah qaadka dalka lakeeno oo lacagta ugu badan dibada usaara ayaa waxay barigii hore lacagta qaadka lagu qaadanjiray Ethiopian Birr oo ah lacagta dalka qaadka laga soo dhoofiyo kadib markii lacagta Ethiopia hoos u dhacday xaga dollarka ayay qaadlayaashii hada waxay ku qaataan lacagtii qaadka dollar iyagoo maalintii malaayiin dollar dalka ka urursada Isla markaana ku qaata qiimo kasta oo lagu siiyo.

Hadaba dhiig baxa ugu badan ee dhaqaalaha oo uu qaadku ku hayo dalka ayay tana inoogu darsantay, ganacsatada Somaliland oo u badan qaar aan dadkooda ka nixin inay lacagta ka urursadaan mooyaane oo xataa aan ka fakarin caafimaadka dadkooda iyagoo wax walba waxa ugu tayada daran uguna liita usoo dhoofiya haday tahay cuno iyo haday tahay cabitaan iyo haday tahay daawo iyo haday tahay hu tahayba  kab iyo karinba.

Way jiraan ganacsato daacada oo dedaalaya wax ficana keena waxaa ka mida shirkadaha Telecommunications ka oo dalka keena wax Tayo leh Lana jaanqaadi Kara caalamka waana inay ku daydaan ganacsatada kale hadaba way jiraan ganacsato waxfican keena oo kale. Lakin waxay u badan yihiin khaa,Inul waddan waayo ninka dadkiisa iyo dalkisa usoo dhoofiya alaaba dhacday oo uu dateka kasoo bedalay waa khaayinal waddan xiligan adag ee abaarta ah waxaa looga fadhiyey ganacsatada inay dadkooda gaajada iyo haraadka u dhimanayaa u diirnaxaan oo ascaarta ka jabiyaan quutal daruuriga lakin waxay taa bedelkeedii ka dhigeen Sicir bararka oo wax waliba qaali garoobeen.

Dowladu waxay soo saartay awaamiir hor leh oo hoos loogu dhigaayo Sicir bararka lakiin waxba kamay hirgalin, Sicir bararkiina waabuu kasii daray. Waxay ahayd inla xadido isticmaalka lacagta qalaad ee dhamaan ascaarteenii lagu xidhay waa in la aamina lacagta dalka oo wadanka gudihiisa waxkasta oo yar iyo waynba lagu iibsadaa dollarkana Marka dalka dibadiisa wax lagasoo gadanayo la isticmaala, shacabku way soo dhaweeyeen dhawaaqii kasoo yeedhay xukuumada ee ku aadanaa Sixir bararka. Lakiin wax fulay habayaraatee majiro.

Xaalada abaarta iyo cudurada ka dhashay xukuumadu way ka gaabisay doorkii looga baahnaa waa in xukuumadu dalka gelisaa xaalad degdega oo shaqada xukuumada loo bedalaa gurmad oo dowlad iyo shacaba magaalooyinka laga baxaa Lana tagaa halka abaartu ka jirto si loo badbaadiyo dadka abaaruhu halakeeyeen dad iyo duunyaba maahaa inaan tvyada uun ka hadalno oo cidii booyad biya ah bixisaa tvga ka hadasho dadku gurmad ayuu u baahayahay.

 

QALINKII CABDIQANI SALAF

 

Allah Mahadleh.

Exit mobile version