WAJAALE NEWS

Murashaxa xisbiga kulmiye oo Dib u Istaadhay khilaafkii iyo Burburintii uu ku Hayay Saldanada Beesha Subeer Awal iyo Xubintii ay Cumaamadeen Oo Boorama Ka Bilaabay Olole Uu Taageero Ugu Raadinayo Xisbiga Xisbiga.

Hargaysa(Wajaalenews) Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa hore dagaal iyo buburin qaawan ku soo qaaday saldanada guud  ee beesha Subeer Awal taasi oo ku haystay sobobta ay u taageeri la,a yihiin xisbigiisa ayaa waxay xubnaha ugu dhaw dhaw murashaxa kulmiye kadib markii suldaankii guud ee saldanadu ku wargaliyay in uu dhex u yahay axsaabta kadibna Muuse Biixi  ku kacay  in uu abuuro  khilaaf ka bilaabma qoyska saldanada kaasi oo ay kusoo cumaamadeen xubin lagu magacaabo Maxamed Case oo isagu ka tirsanaa shaqaalaha wasaarada gansiga In uu noqdo suldaan ay ujeedadiisu tahay sidii uu ugu ololayn  lahaa gudoomiyaha xisbiga kulmiye.

 

Hadaba khilaafkan oo mudo deganaa ayaa waxaa dib u istaadhay hogaanka xisbiga kulmiye kaasi oo ay ka bilaabeen in xubintii hore ay u cumaamadeen  magaalada Boorama ka bilaabo olole isagoo sheegaynaya suldaan kii guud ee subeer Awal

 

Halkan hoose ka daawo muqaal laga sooduubay maxamed case iyo darajada uu sheeganayo

Exit mobile version