WAJAALE NEWS

Kulan Xaasaasi ah Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Dhexmaray Madaxwayne Silaanyo Iyo Komishanka Doorashooyinka

Hargeysa(Wajaalenews)April.12,2017-Madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa kulan gaar ah ku yeeshay qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Kulankan oo socday muddo Saacado ah ayaa Ilo Xog Ogaal ah o kasoo baxaya kulankaasi ay noo sheegeen in labada dhinac ay ka wada hadleen Arrimaha Doorashooyinka ee inagu soo fool ka leh oo ay ugu horeyso doorashada madaxtooyada Somaliland oo la filayo inay qabsoonto Bisha November ee sanadkan ay ku guda jirno.

Sidoo kalena xogaha ayaa waxay noo sheegeen in madaxwayne Siilaanyo iyo guddiga Komishanku ay ka wada hadlee arrinta mudooyinkii danbeeyey khilaafkeedu taagnaa ee uu hore madaxwaynuhu ku sheegay in Musdanbeed u samayn doono Komishanka Qaranka.Inkaste oo guddiga Komishanku diidanaayeen musdanbeedkaasi uu madaxwaynuhu ka dhawaajiyey inuu magacaabayo,haddana si cad looma garanayo wax ay labada Dhinac isla meel dhiggeen,sidoo kalena waxa jira kulan noocan oo kale ah oo habeen Hore qasriga madaxtooyada Somaliland ku dhex maray wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo guddiga Komishanka kuwaas oo ka wada hadlay arrimo la xidhiidha doorashada,waxaana kulankaasi naloo sheegay in guddiga Komishanku ay diideen in uu gobo joog ka ahaado Cabdilaahi Jawaan oo uu madaxwayne Siilaanyo u magacaabay la taliyahiisa gaarka ah ee Arrimaha Doorashooyinka,taas oo sababtay in dibada kulankan looga saaro Cabdilaahi Jawaan,waxaana ay taasi sababtay in uu Cabdilaahi Jawaan maanta si rasmi ah iskaga casilo xilkii uu madaxwayne Siilaanyo u magacaabay oo ahaa La Taliyihiisa Gaarka ah ee Arrimaha Doorashooyinka iyo waliba xubinimadii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE.

Dhinaca kale wali waxa ay masuuliyiinta xisbiga WADDANI meel adag ka taagan yihiin Mus-danbeedkan uu madaxwayne Siilaanyo ku dhawaaqay inuu samaynayo ee la shaqaynaya guddiga Komishanka qaranka,waxaana aan la garanayn halka ay saldhigan doonto guddigaasi,waxaana ilaa hadda aan si rasmi ah loo garanayn nuxurka waxa ay isla qaateen labada dhinaca iyo qodobada kasoo baxay.

 

 

 

Exit mobile version