WAJAALE NEWS

Deg Deg:-Xildhibaano Ka Soo Baxay Xisbiga Kulmiye Oo Ku Dhawaaqey In Ay Iska Casileen Xisbiga Kulmiye +

Laba Xildhibaan Oo Ka Tirsan Golaha Deegaanka Degmada Burco Ayaa Maanta Kulan
Ay Ku Qabtay Hotel City Plaza shaaca Ka Qaaday Inay Ka Bexeen Xisbiga KULMIYE Oo Ay Kasoo Bexeen Labadan Xildhibaan Wakhtigii La Doortay Golayaasha Deegaanka

Labadan Xildhibaan Oo Kala Ah Xildhibaan Cabdirisaaq Aar Iyo Xildhibaan Maxamed Tuur Tuur Ayaa Shaaca Ka Qaaday Inay Xisbiga KULMIYE Ka Bexeen Maadama Oo Wax Laga Weydiinayn Talada Deegaanada Ay Kasoo Jeedaan,Oo Ay Sheegeen In Xukuumadu Ku Hayso Fara Gelin

Si Kastaba Ha Ahaate Shirkan Jara,id Ee Ay Qabteen Labada Xildhibaan Ayaa Ka Danbeeyay Kadib Markii Maalintii Shalay Xilka Laga Xayuubiyay Gudoomiyihii Degmada Balidhiig ,Fa,ud Gacan Isla Markaana Lagu Bedelay Masuul Kale .

Waxaana ay labadan xildhibaan ka soo jeedan bariga magaalada Burco gaar ahaan deeganka Bali-Dhiig

Exit mobile version