WAJAALE NEWS

Cuqaasha Iyo Odayaasha Beesha C/raxmaan Sacad(Sacad Muuse) Oo Fariin U Diray Ganacsade ay Sheegeen In Uu Caqabad Ku Yahay Caleemo Saarka Wiil Uu Dhalay Suldaankii Hore Ee Beeshaas Marxuum Suldaan Jaamac

Hargaysa(wajaalenews)Waxaa maalmihii u danbeeyay soo shaacbaxday khilaaf culus oo ka dhex bilowday madax dhaqameedka beesha Cabdiraxmaan Sacad (Sacad Muuse)kaasi oo sida wararka aanu ka helayno xubno ka mida beeshan uu salka ku hayo sidii loo buuxin lahaa jagada suldaankii guud ee beesha C/raxmaan Sacad  Suldaan Jaamac oo dhawaan ku geeriyooday dalka jabuuti. sidoo kale xogahan aanu ka helayno ayaa tibaaxaya in ay xubno ganacsato ahi wadaan sidii qof kale oo aan ahayn qoyskii Suldaanku Ka Geeriyooday loogu cumaamadi lahaa isla markaana meesha looga saari lahaa saldanadii reerka ee dhaxal ahaan dhaqanku siinayo in wiilashiisa mid ka mid ah loo cumaamdo.

Arinta khilaafka ayaa la sheegay in ay dabada ka wadaan Qaar ka mid ah ganacsatada reerka oo uu kamid yahay Ganacsade Cali Balaq Balaq iyo xubno kale oo siyaasadeeyay mansabkan dhaqanka ah oo ay taageero uga dhex raadinayaan xubnahaas dabadhilifka u ah xisbul xaakimka Kulmiye.

Dhinaca kale kharashka lagu faro galinayo saldanada curadka beesha Sacad Muuse ee (Cabdiraxmaan sacad) ayaa sida xogahani tibaaxeen waxa qayb ka ah oo baryahanba ku mashaquulsan ganacsade CALI WARAABE (Cali Balaq Balaq)oo isagu ka mida ganacsatada beesha kana mida gudiga dhaqaalaha ee murashaxa xisbiga kulmiye.

Si kastaba ha ahaatee ganacsadahan ayaa iska hor keenay khilaaf mug lehna ka dhex abuuray odayaasha,cuqaasha iyp guud ahaanba beesha C/raxmaan Sacad(Sacad Muuse).

Ugu damnayntiina Waxa ay Cuqaasha Iyo Odayaasha Beeshu  Oo La Soo xidhiidhay shabakadan wararka ee Wajaalenews ay Fariin U direen Ganacsadahan Iyaga oo u soo jeediyay in uu faraha kala baxo Arintan.

 

Exit mobile version