Afeef:
Waxan u qoray maqaalkan laba ujeeddo. Mid mustaqbal ah iyo mid taariikhi ah. Mar haddii qabiilkii noqday kan hagaya ama qaabaynaya siyaasadda dadka ku abtirsada jinsgia Somali, waxan so jeedin lahaa in loo sheego reerka in haddii wax qaldan ay ku taageraan hogaamiyaha in loo qabsan doono hadhaw, si ay uga diidaan haddii uu weydiisto in ay ku gacan ku siiyaan waxayaalo khatar ah sida in dad layska laayo IWM. Xagga taariikhdana halaga bilaabo Siyaad Barre iyo tolkii. Waliba waxan odhan lahaa iyaga ha loo fududeeyo. Laakiin dadka iyaga ka danbeeya ha lagu adkeeyo ciqaabta. kaliya iyaga ha la waydiisto in ay qirtaan qaladkii, Somaliduna ha saamaxdo markaas.
Maqaalkii waa kan:
Haddiii aan laga faa’iidaysan taariikhda maxaa laga faa’iidayaa rafaadkii iyo dhibkii la soo maray, maxaase diidaya in aan ku celino qaladaadkii hore ee adhaxda lagaga jabay.
Somaalidu haddii ay joojin weyday qabiilka iyo qabyaaladda waa in iyada lafteed la isugu sheegaa wixii qaladaad dhacay iyo cidda ka masuul ah. Marka la samaynayo lafo-gur (analysis) gaar ahaan xagga siyaasadda, Somalina aynu nahay, mararka qaarkood laga maarmi maayo in wajiga qabiilka laga soo eego, maxaa yeelay reernimadu waa ka badh ama iyadaaba qaabaysa siyaasadda Somalida.
Anigu waxan aaminsanahay in qaladkii iyo burburkii ka dhacay wixii la isku odhan jiray Somaliya ay masuul ka ahaayeen Siyaad Barre iyo kooxdii saraakiisha ahayd ee inqilaab-ka samaysay 1969. Muddo ka dib, Siyaad Barre wuxu dib u inqilaabay saraakiishii Kacaanka la dhalisay. marka halkaas la maarayo, awooddii waddanku kaligii bay gacanta u gashay. Waa la nacay, dadkiina waxay kala noqdeen taageeradii. Si uu u kala qaybiyo dadkii Somaliyeed ee walaalahaa ahaa, wuxu bilaabay inuu qabiil dabada galiyo. Wuxu soo dhawaystay ciddii ay isku hayb-ta ahaayeen, iyaguna may diidin ee way ka aqbaleen in ay kula shaqeeyaan siyaasaddaas qaldan marka laga reebo rag yar oo faro ku tiris ah. Halkaa marka la marayo reerkiisu way la soo galayaan masuuliyadda burburkii ka dhacay waddanka.
Waxa jira midh aan lagu dhaafi karin ama laga cafin karin haddii wax kast oo kale aynu ka cafino: taasi waxa weeye in ay diideen in ay awooddii wadanka wareejiyaan intii aanu gacantooda ku burburin. Markhaati bay lahayd markii kooxdii Mnaifesto u soo jeedisay sidaas dhawr bilood ka hor intaan muqdisho gacanta u gelni dadkii gadoodsanaa. Maadaama ay awooddi wareejin waayeen isaga iyo tolkii oo nidaamkii iyo kala danbayntii (Law and order)caasimaddu sidaa ku burbuary, iska daa gobolada kale, waxan aaminsanahay danbi kasta oo dhacay iyo dhib kasta oo Somalida soo gaadhay illa maanta, illaa saacaddan, illaa daqiiqadan aan qorayo maqaalkan, waxa taariikh ahaan masuuliyaddiisa iska leh Siyaad Barre iyo tolkii.
Dagaalkii labaad ee adduunka markii Hitler la jabiyay, waxa taariikhada lagu qoray in Nazigii iyo Hitlerba ay qaldanaayeen. Waana mamnuuc sharci ahaan iyo akhlaaq ahaaan in maanta qof ama kooxi tidhaa waxan taageersanahay Hitler ama Nazigiii (Is -barbar -dhiggan,labada dhacdo midna waa Caalami midna waa heer waddan, laakiin wax badan bay wadaagaan, sidaa darteed wuu shaqaynayaa inkastoy kala duwan yihiin)
Waxase yaab leh in maanta Siyaad Barre iyo dadkiisii oo illaa immika taageersan ay soo hungureeyaan awooddii Somaliya ama ay qabsadaan iyagoo oo aan toobad keenin. Waxba may ahaateen, haddii ay u arkaan in uu ahaa hoggamiye qaldan oo gef weyn ka galay Somalida. Waxayse u arkaan Geesi (Hero). Haddii aan la sixin taariikhda, qaladkana cid la saarin waxba macno ma leh in kolba Madaxweyne cusub la doorto.