Somaliland waxa ka jiray ururka lagu magacaabo British Red Cross (Laan-qayrta Cas ee British-ka), taas oo aan xubin ka ahaa oo dadweynaha aan bari jirnay gargaarka caafimaadka degdeg ah (First AID), Haweenkana waxa aannu ku bari jirnay Kilaabkii Dumarka (Women’s Club). dareewallada, macallimiinta iyo shaqaalaha dawladda iyana waa bari jirnay gargaarka degdeg ah.
Dhinaca reer Soomaaliya kama uu jirin urur la mid ihi. Haddaba, markii Xamar caasimaddii noqotay isku-darsigii kadib, ayaa annagoo koox reer Somaliland ah is-abaabulnay oo dhisnay Ururka Bishaa Cas ee Soomaaliyeed, inta aan xusuusto waxaannu ahayn; Reer Maykal Maryaano (Michael Marino), xaaskiisa, inantiisii Nuura Maykal Maryaano, aniga [Siciid Maxamed Gees], Edna Aadan Dhakhtar, Xasan Aadan Qallinleh, Saakin Jirde Xuseen, Cabdillaahi Oomar iyo Aadan Farax Abraar. Waxa aan ku soo darnay Dr. Food- Cadde iyo Sarkaal Booliska ahaa Cabdinuur.
Xeerka ururka waxa noo qoray Qareen Cabdillaahi Siciid Cismaan oo mar dambe noqday Safiir caan ah. Xeerkii ayaannu Jeneefa (Genève) iyo xarunta ICRC (International Committee of Red Cross – Guddiga Laanqayrta Cas ee Caalamiga) oo waxay noo soo direen Khabiir oo na warraystay, dabadeed markuu noqday noo soo diray aqoonsigii Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed. Wadammada Muslinka ah waxay qaataan magaca Bisha Cas iyo Calaamadda Bisha, Wadammada Masiixiga ihi waxay qaataab Laanqayrta ama isku- tallaabta cas.
Abaar xun ayaa ku dhufatay sannadkaas Gobalka Mudug oo Galkacayo magaalo-madaxda u ahayd, halkaas ayaannu gargar quudin ah ku bilownay dadkii caydhoobay ee xooluhu ka baxeen. Dadkii Soomaaliyeed indhaha ayaa soo baxay, waayo hore umay arag cunto iyo raashin bilaash la isa siiyo!
Waaggii hore waa la iska daaduumi (hayaami) jiray marka abaaruhu dhacaan waa marka carruurta la xoorri jiray, illeyn gargaar ma jiro ee dadka waaweyna guryaha ayaa lagu oodi jiray oo lagaga guuri jiray si ay ugu dhintaan. Adduunyooy xaalkaa be’! Maxaa la soo maray.
Sannadkii 1966 ayaa Addiis Ababa loogu qabtay shir guud Ururrada Bisha iyo Laanqayrta Cas ee Waddamada Afrika, iyadana oo aniga [Siciid Maxamed Gees] iyo Xasan Aadan Qallinleh na loo doortay inaan ka qaybgalno shirkaas.
Xidhiidhka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed iyo Itoobiya ma fiicnayn, oo dagaal xuduudaha ah ayaa ka dhex dhacay sannadkii 1964, sidaas darteed duulimaad toos ah oo diyaaradeed ma jirin. Waxa aan marnay Cadan (oo ku taal dalka Yemen) oo Ingiriisku ka taliyo iyo Jabuuti oo Faransiis haysto. Qunsiliyad ayey ku leedahay Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed magaalada Cadan, waxa markaas Qunsul ka ah nin la yidhaahdo Axmed Maxamed Darmaan ayaannu la kulannay.
Markii aannu kulanay Axmed Maxamed Darmaan waxa uu ii dhiibay buqshad uu yidhi; “Marka aad garoonka Jabuuti aad ku tahay transit-ka (ku sii hakato), musqusha tag cid ayaa ku iimanaysa u dhiib buqshadda.” Waxa warqaddu ku socotay siduu ii sheegay xoriyad-doonka reer Jabuuti. Sidii ayaan yeelay iridii musqusha ayaa la garaacay, buqshadii ayaan dhiibay. Ma arag, mana eegin wejiga qofkii aan u dhiibay.
Shirkii toban maalmood ayuu socday, iyadana oo nala dajiyey Hotel Ras, baabuur iyo dareewalna waa nala siiyey. Safiirka Soomaalida u fadhiyey Itoobiya waxa uu ahaa Cumar Carte Qaalib, ayaannu u tagnay oo aan ku nidhi; “Huteelka kama baxno ee magaalada inaan soo daawano ayaan rabnaa.” Baabuur ayuu noo soo diray; meel huteelka ka fog ayuu na gula ballamay oo aannu ka raacnay oo magaaladii ku soo daawanay.
Habeen uu na casho-geeyey Safiirku, waxa na daba socday baabuur laba nin oo Xabashi ihi wataan. Huteelkii markaan cashadii u fadhiisanay miiskii nagu xigay ayaa dad fadhiyey uga kaceen labadii nin oo na ag fadhiistay. Safiirku waxa uu noo sheegay inay sidaas u daba joogaan meeshii uu tagoba, “Waxna iskuma darsano,” ayuu nagu yidhi.
Markii aannu Xamar ku noqonay isla sannadkaas waxa ka dilaacay Jabuuti Mudaaharaad lagaga hor yimmi Madaxweyne Charles de Gaulle (Madaxweynihii xilligaas ee dalka Faransiiska) oo booqasho ku soo maray Jabuuti isaga oo Fitnaam (Vietnam) ku socda oo Maraykanku dagaalkii uu ka waday dalkaasi ka hor jeeda. Mudaaharaadkaas oo ay gobanimo ay ku doonayaan dadka reer Jabuuti ayaa la odhan jiray Le indep’endance afka Faransiiska. Beenaw, “Buqshadii miyey shaqo ku lahayd gadoodka? Bal adba!!