HARGAYSA (Wajaalenews) XOG CULUS Xukuumada somaliland ayaa tan iyo intii ay ku jirtay wareejinta dekeda berbera shacabka u balan qaadaysay in ay dhalinyarada somaliland fursado shaqo abuara ka Helayaa Maalgashiga ay Dekeda Berbera ku samaynayso Shirkada DP word oo laga leeyahay Dalka Emaraadka carabta tasi oo rajo galisay badi dhalinyarada dalka ee baxaya jaamacadaha dalka gudihiisa iyo dibadasiiba.
Sidoo kale arinta shaqo abuurka ayaa hayd qodobka kaliya ee xubnaha xukuumada silaanyo ee wareejinta dekadan hormuud uhaa ay ku ololaynayeen,
Hadaba waxaa dekeda berbera oo 03/03/2017 Mareeyaha dekeda berbera Sheegay in ay ku Wareejiyeen Xubno ka socday shirkada Dp word iyagoo maalmo ka horna sheegay in ay shaqaalihii dekeda hore uga hawlgali jiray ay siiyeen xaqoodii, halka qaybo kamida shaqada laga caydhiyay
Shabada wararka ee wajaalenews oo maalmihii udanbeeyay u kuur gashay hawlaha cusub ee ka socda Dekeda berbera iyo sida aywax uga socdaan ayaa Waxay Heshay xogo culus oo ka qarsoonaa shacabka reer saxil iyo gabi ahaanba bulshada somaliland iyadoo bedka soo dhigeen arimaha huursan ee ka socda dekeda berbera xili durba soo gaadheen shaqaale ajaaniba oo laga kala keenay dalalka Hindiya Masar Iyo Kenya
Sidoo kale xogahan aanu helay dekada berbera iyo dhacdooyinka ka socda xiligan ayaa debada soo dhigay in masuulka ugu sareeya maamulka shirkadani keensatay uu kasoo jeedo dalka Masar Kaasi oo shaki wayn galiyay bulshada llana xidhiidhiyay wararki hore ee sheegayay in ay shirkadan kulamaantay xulufadan berbera la wareegaysa
Dhanka kale waxaa durba bilaabantay in shaqaalihii somalilanderka ahaa lagu badadlo kuwo ajaaniba oo laga kala keenay dalal aynu kor kusoo xusnay
Si kastaba ha ahaatee Dekeda Berbera ayaa xiligan u muuqata mid gabi ahaanba debeda laga dhigayo shacabka gobolka saaxil halka boob xoogana uu ka socdo dhulka ku xeeran dekeda berbea ee la filayay in ay shirakadi kusamaynayso balaadhin deked cusub oo lagu qisaay in ay leeg tahay 400m.
WAJAALENEWS DESK’
HARGEISA OFFICE
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM