WAJAALE NEWS

DAAWO ; Muj Farxaan Faacuul Oo Si Adag Uga Soo Horjeestay Shir Dhawaan Xukumadu Ku Qabatay Waqooyiga Hargaysa, Sheegayna In Uu Shir Kaasi Ahaa Mid Shaadh Xusbi Xidhan.

Hargaysa(W,N) Mujaahid farxaan facuul Oo kamida saraakiishii Ururkii SNM ayaa si adag u dhaliilay shir dhawaan lagu qabtay deegaanka Hulka oo katirsan deegaanada waqooyiga ama dhul xeebeedka u dhexeeya gobolada maroodi jeex iyo awdal oo mudooyinkii udanbeeyay muran badina ka taagnaa kaasi oo u dhexeeyay beelaha wada daga ,

Ayaa waxaa si adag uga soo horjeestay muj farxaan isagoo ku eedeeyay xubnihii shirkan ka qaybgalay ee matalayay beelaha sacad muuse in ay ahaayeen xubno xidhan shaadh xusbi ismarkaana ujeedadoodu ahayd in ay cod u raadiyaan xisbiga ay katirsan yihiin balse aan u socon sidii loo gaadhi lahaa xal waara

Dhanka kale mujaahid farxaan facuul ayaa baaq udiray qaarkamida beelihii shirakan fadhiyay isagoo sheegay in  ay diyaar uyihiin cidii masiirka umadan daacada ka hayd balse kuwa uyimid ay yihiin  qolooyinkii qaybta ka aha wixii loogaystay beesha xiligii lagu jiray doorashadii golayaasha deegaanka.

https://youtu.be/cx7Dhpklqek

Exit mobile version