“Maro Boob”
Maro boobi waa maansada hoos ku qoran oo an kaga qayb qaatay miimlayda ka curatay maansadii muddici ee Xasan Daahir Weedhsame curiyay taasoo aan fikirkayga iyo halkaan ka taaganay laba dhinac ee loo kala saftay muujinaysa.
https://youtu.be/3-dBzK6eXlU
mahadsanidiin.
inkastoo mashxaradiyo
sacabkii mudici helay
Uu gaadhay meel dheer
inkastoo midiyo dhawr
hablihii miskaha riday
botor muujiyeenooy
runta macalinkeedii
umareen ciyaartii
inkastoo mar iyo laba
marageeda kii furay
shaal miidhan lagu daday
macawiiso loo xidhay
Inkastoonu madi iyo
madar wali ahayn kali
kolay madhax ma waayoo
anna maaxinteedii
runtaan muusinaayee
miigane war iga hoo