WAJAALE NEWS

Cheif Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir Oo Xisbigga KULMIYE Ku Eedeeyay Inuu Hab-Cunsuriyaddeed Bulshadda U Kala Qaybinayo.

Hargaysa(W,N) Chief Caaqil Rashiid Mahamed Jambiir oo ka mid ah Madax-dhaqameedka miisanka iyo Magaca ku leh Qaranka Jamhuuriyadda somaliland ayaa xisbiga KULMIYE ku eedeeyay inuu hab-cunsuriyaddeed uu ku kala qaybinayo bulshadda Somaliland.

Caaqil Rashiid Mahamed Jambiir ayaa qoraal uu kaga hadlayo arrintaa soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebooga waxa ay u dhignayd sida tan:

 

Waxaa cajiib ahoo aan aad ula yaabay oo aan xalay ka seexan waayay khatar aad u wayn oo aan is leeyahay wadankeena waxay ku keeni kartaa burbur iyo kala shaki wayn oo soo kala dhexgala bulshada sland taasi oo ah kala qaybin bulshada s/land ahna in dadka reer som.land ee isku xuquuqda ah soona wadaagay dhib iyo wax yeelo mudadii ka dambaysay xoriyada oo ka bilaabantay 1960 kii loo kala qaybiyo qaab aan is leeyahay waa cunsiriyad inta badana ay isticmaalaan xisbiga kulmiye iyo dawladiisu tusaale ahaan waxaad maqashaan.

Ama aad aragtaan masuuluyiin badad oo doonaya dalkan inay xukumaan iyo kuwakaloo badan oo bulshadii s/land.badhkeed huwinaya calankii buluuga ahaa kuna sheegaya som/wayn waxa kalooy caadaysteen inay xataa wasiiro ka tirsan dawlada haday yidhaahdaan war waxa yaabaha qaar dadka ku hadla ma fiicna layidhaa waa faqash dagaalkii xamar lagu doonayay ayay ku dhaawacmeen xusbiyadii qaranka qaar layiraa waa som/wayn.masuuliyiintii qarankan magaca ku lahaa oo hargaysa jooga layidhaa waxay kadageen xamar waxay la kul meen farmaajo taasi waxay tilmaamaysaa in shacbigii iyo umadii isku calanka ahay laba calan loo samaynayo la kala fogaynayo taasina waynu soo aragnay cawaaqib keeda iyo foolxumada ay leedahay waxaanan odhan lahaa dadka halkaa siyaasad kadayaya umada fidnada iyo kala qaybinta noocaasa ka daaya.

W/bilaahi Tawfiiq

Exit mobile version