Hargaysa (wajaalenews) FAALO .Madaxwayne Silaanyo ayaa tiraba labajeer u magacaabay xafiiska afhayeenka madaxtooyada xubin aad ugu haboon kuna diirsadeen shacabka Somaliland, waa Afhayeen Eng. Xuseen Aaden Cige (Dayr) Oo ilaa xiligan haya xilka Afhayeenimo isaga oo xilkan si rasmi ah ula wereegay 4 november 2015 waxaanu xilkaasi kala wareegay afhayeenkii ka horeeyay Axmed Saleebaan Dhuxul waxaanu durbadiiba Eng Dayr wax wayn ka badalay habsami u socodka shaqo ee xafiiska afhayeen nimo ee qasriga madaxtooyada isaga oo hawl karnmadiisa shaqo ee qaranka ku kasbaday in uu booskan madaxwayne Silaanyo Uga sii gudbiyo dhinaca wasiirka Ganacsiga oo uu xilkaas la wareegay 21 febauray 2016 balse waxa mar kale qasriga madaxtooyada laga tabay hufnaantii shaqo ee Eng.Xuseen Aaden Cige (Dayr)taas oo khasabtay in mar kale uu madaxwayne siilaanyo u igmado xilkii afhayeennimo oo uu uga maarmi wayay ilaa waqtigana uu hayo xilkaas.
Hadaba Afhayeenka madaxtooyada Eng, Xuseen Cige Dayr ayaa ah xubinta ugu aqoonta badan ee soo mara xafiiska afhayeenimo tan iyo intii uu madaxwayne Silaanyo qabtay talada dalka, waxaana inta badan farta lagu fiiqaa sadex masalo oo uu kaga duwan yahay masuuiyiintii xilkan afhayeen ee kula jamaca ahaa afhayeenimada qasriga madaxtooyada, waa ta hore ee afhayeen Dayr waxa uu kaga duwan yahay afhayeennimo uga horeeyay dhinaca xidhiidhka Bulshada isaga oo ah masuul aad u degen oo inta badan qadariya bulshada xilka loogu dhiibay oo uu ajiibo balamaha shaqo ee uu la galo.
Waa ta labaadee Eng. Afhayeen Dayr ayaa kaga duwan afhayeenadii ka horeeyay dhinaca xidhiidhka saxaafada isaga oo nidaam kala dambayn ah u sameeyay habka wartabineed ee aqalka madaxtooyada Waxaanu fursad siyaa wariyayaasha in ay su,aalo badan waydiiyaan halka aanay kuwii ka horeeyay siin jirin wax fursad ah sidoo kalana ka qanciya wariyayaasha hadba wixii su,aal ah ee ay qabaan, waana afhayeenka kaliyaata ee ay si toos ah marwalba su,aalo ay ula boobaan warbaahintu, waxaana mudadaa uu joogay sii xoogaystay xidhiidhka warbaahinta uu la leeyahay xafiiska madaxtooyada iyo dhawrsanaanta hawlaha qaranka,marka laga reebo saxaafada qaar iyagu sifo qalda shaqadooda hunguri iyo dano gaar ah wax ugu doona xirfadooda taasi oo badanaa sobobtay in ay si baalmarasan habka warbaahineed marar badan u fadeexadeeyaan masuuliyiinta qaranka oo taasi oo ka baxasan anshaxa saxaafada maxaliga ah,.
Waa sifada sadexaadee Afhayeen Dayr ayaa ah masuulka ugu haykalka wanaagsan dhinaca asluubta shaqo ee looga baahan yahay xafiiska afhayeenka madaxtooyada, isaga oo hab qurux badan oo ay ka muuqato shaqada xafiiskani u horyimaada bulshada si tartiib tartiib ahna bulshada ula socodsiiya safarada madaxwaynaha iyo hadba shaqooyinka uu u baxo madawaynuhu.
Si kastaba ha ahaatee madaxwayne Silaanyo ayaa la filayaa in uu wareegtooyinka soosocda dalcsiin ku sameeyo masuulkan uu madaxwayne Silaanyo u bogay hawl karnimada Ilaahay ku ilhaamiyay iyo daacadnimada shilis ee uu hawlaha qaranka kula tacaalo hadh iyo habeenba .
Taariikhda ayaa qori masuul kastaa wixii uu qaranka u qabtay.
Prof. Axmed Ali Huseen