WAJAALE NEWS

Warshada Sibidhka Ee Berbera Oo Ay Ku Shuraakoobayaan Baashe Cawil Safiirka Somaliland Ee Imaaradka Iyo Ganacsade Cabdiraxmaan Boore + Saamiga Laga Siin Doono Dadka Deegaanka!!

Berbera (WJN)-Warshadii Sibidhka ee kutaala Duleedka Koonfureed ee Magaalada Berbera,ayaa la sheegay in hawsheeda la dhameystiri doono dhawaan kadib markii ay heshiis Shuraako ah kuwada gaadheen Magaalada Dubai Safiirka Somaliland u qaabilsan imaaraadka Carabta Baashe Cawil Xaaji Cumar,iyo Ganacsadaha caanka ah ee hore u ahaan jirey dalka Jabuuti Ganacsatadiisa Waaweyn Cabdiraxmaan Maxamed Boore oo cilaaqaad fogi ka dhexeeyo Dawllada Isutuga Imaraadka Carabta,labadaas oo xubnood oo qaadan doona shuraakada ugu weyn ee Warshada Sibidhka Berbera.

Qorshaha heshiiskan oo dhawaan ay ku kala sexeexdeen Dubai Safiirka Somaliland ee Imaaradka Baashe,iyo Ganacsade Cabdiraxmaan Boore ayaa dhawaan la bilaabayaa qorshaheeda kadib marka ay Ciidamada Imaaraadka Carabtu si rasmi ah Saldhiga Ciidan ee Madaarka Berbera iyo qeybaha ku lifaaqan ee Dekkeda Berbera usoo cago dhigtaan,waxaana dhawaan soo gaadhey Warshada Sibidhka Berbera khubaro aqoon u leh oo sadex habeen ka hor booqdey halkaasi islamarkaana, cabir ka qaadey qiyaas ahaan inta Km ee isku wareeg ah ee ay ku fadhido Warshada Sibidhka Berbera,waxaanay tibaaxeen wararka arintan ku xidhiidhsani in dadka Deegaanka Gobolka Saaxil laga siin doono saami kooban oo ku siman boqolkiiba toban Warshada Sibidhka ee Berbera.


Ganacsadaha caanka ah ee Cabdiraxmaan Maxamed Boore oo ilaaqaad culus la leh Dawllada Imaaraadka Carabta islamarkaana,ah dilaalka koowaad ee Imaaraatka u qaabilsan dalalka Afrika iyo Siyaasadaha kaga xidhan ayaa,wakhti xaadirkan fursado badan ka helay dalka Somaliland kadib markii ay isla jaanqaadeen Safiirka Imaraadka carabta u qaabilsan Somaliland Baashe Cawil Xaaji Cumar oo kamid ah qoyska Madaxweyne Siilaanyo,waxaanay dhameeyeen mudadii koobneyd ee aqoontoodu bilaabantey arimo badan oo ay kamid yihiin Mashruucii DP-World ee Dekkeda Berbera iyo Saldhiga Milatari ee Dawllada Imaraadka Carabtu ka sameysaneyso Madaarka Berbera iyo waliba arimaha safka kusoo jira oo Warshada Sibidhka ee Berbei kamid tahey,

Ganacsade Cabdiraxmaan Maxamed Boore oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Jabuuti ayaa wakhtigan loo fasaxey guud ahaanba Shirkadihii uu ku shaqeyn jirey kadib markii ay in mudo ah ku xanibnaayeen dacwado -adag oo ay isla galeen Madaxweynaha Dawllada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo ay hore shuraako ugu ahaayeen Ganacsi badan oo dalka Jabuuti ka furnaa taas oo Ganacsade Boore dacwadii uu la galey Madaxweynah Jabuuti ay ku baxdey lacag dhan Sagaashan malyuun oo lacagta adag ee Dollarka Mareykanka  ah,

Haseyeeshee, qaraarkii u dambeeyay ay Maxkamad kutaala dalka ingiriisku nuxurka go,aanka dacwadaasi u xukuntey in aan wax dambi ah lagu haynin Gancasade Boore halkaas oo Madaxweynaha Jabuuti ku guuldareystey dacwada dheer ee mudada badan iyo kharashka badani ku baxey.

 

WAJAALE STAFF

BERBERA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

Exit mobile version