WAJAALE NEWS

War-Degdega:Maxkamada Sare Oo Hada Go,aan Ka Soo Saartay Qabsoomida Doorashada Madaxtooyada Somaliland

Hargaysa(wajaalenews)maxkamada sare ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa mardhawayd qaraar ka soo saartay codsi uu madaxwaynuhu u gudbiyay dhawaan oo xambaarsanayd dib u dhaca doorashada madaxtooyada Somaliland.

Waxaana maxkamaddu ay aqbashay codsigaasi uga yimi madaxwaynaha Somaliland,sidoo kalena waxay qodobo qaraaar ah kasoo saartay maxkamaddu codsigaasi madaxwaynuhu soo  gaadhsiiyey ee ah dib u eegis lagu sameeyo qaaraar hore uga soo baxay maxkamadda oo ahaa in doorashada madaxtooyada la qabto 28 Bisha March 2017-ka taas oo ay madaxwaynaha Somaliland,saddexda xisbi qaran iyo guddiga komishanku kulan ay iskugu yimaadeen isla qaateen in dib loo dhigo doorashada madaxtooyada madaama oo dalka ay ka jirto abaar adagi.

Sidoo kalena maxkamadda sare ee Somaliland ayaa qaraarkan ay soo saartay waxay  amar ku fartay golaha guurtida in ay waajibkooda distuuriga ah ka gutaan kordhinta doorashada madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka

Qodobada ay maxkamaddu soo saartay oo ka koobnaa lix qodob ayaa waxay kala ahaayeen sida tan

 

                        Qaraarka Maxkamadda Distuuriga Ah Ee JSL

 

Waxaana lixdan qodob ee qaraarka ah ee maxkamaddu kasoo saartay doorashada madaxtooyada Somaliland ku saxeexnaa guddiga garsoorka oo kala ah

 

 

Exit mobile version