Hargaysa(wajaalenews)waxaa hada is casilay Cumar C/rashiid Sharmaake oo ka mid ah musharixiinta Madaxweyne ee afarta musharax ah oo u soo gudbay wareega labaad iyada oo sadexda musharax ee kalana yihiin Xasan Sheekh Maxamuud,Sheekh Shariif Sheekh Axmed Iyo Farmaajo.
Is Casilaada Sharmaake ayaa saamayn ku yeelan karta sadexda musharax ee kale ee tartamaya wareega labaad taasi oo yididiilo wayn siisay Farmaajo halka suuro gal ay ka dhigi karto in ay kursiga waayaan xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif maadaama ay yihiin labo musharax oo beel kaliya kazoo wada jeeda.
Wareega labaad ayaa waxaa imika u tartamaya sadex musharax
Dadka siyaasada falanqeeya ayaa tilmaamaya in guusha la rajaynayo madaxwaynaha soo baxayaa yahaay Farmaajo maadaama uu tanaasulay C/rashiid Cali Sharmaake oo ay isku Beel yihiin.