WAJAALE NEWS

War Deg-Dega:Golaha Wakililada Oo Saaka Ku Furmay Jawi Buuq ah Xildhibaano Dibada Uga Baxay Wasiir La Sheegayo In Uu Xasaanada Dhiibayo.

Hatgaysa(wajaalenews)xildhibaanada golaha wakiilada iyo guurtida ayaa saaka fadhi mataano ah iskugu yimid si ay u meelariyaan mooshinka lagu lifaaqay khudbad sanadeedii madaxwaynaha oo ay xukuumadu rabti in ay dhex raaciso mooshin lagu wareejinayo madaarka caalaniga ah ee magaalada Berbera.

Jawiga saaka uu ku furmay ayaa ahaa mid buuq badan iyo cadho badan ay ka muuqatay xildhibaanada golaha wakiilada iyada oo xiligan ay dibada uga soo boodeen fadhiga ku dhawaad dhawr iyo toban xildhibaan oo cadhaysan,sidoo kale waxaan gabi ahaanba saaka gollaha kazoo xaadirin gudoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan ciro waloow fadhigan xiligan uu ku kaliyaystay gudoomiyaha gurtida Saleebaan Gaal.

Fadhigan saaka ay labada gole iskugu yimaadeen ayaan u muuqan mid midho dhal ah maadaama ay dibad joog ka yihiin xildhibaano badan oo ka soo cadhooday sidoo kalana uu cadho kaga maqan yahay gudoomiyaha golaha wakiildu.

Dhinaca kale waxaan gabi ahaanba aan ka soo qayb galin fadhigan wasiirka wasaarada qorshaynta Sacad Cali Shire oo qayb muhiim ah sharciyan ka ah mooshinka saldhiga military ee la rabo in wadanka isku taga imaaraadka carabta lagu wareejiyo,waxaanay warar hoose oo aanu helnay sheegayaan in wasiir Sacad Cali Shire la filayo saacadaha soosocda in uu is casilo.

Exit mobile version