Hargaysa(wajaalenews)waxaa mar dhawayd ciidamada booliska Somaliland ay jeelka U taxaabeen Muj. Axmed Cumar Xaaji C/laahi (Xamarje) oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee xisbiga Wadani.
Lama Oga ujeedada rasmiga ee ka danbaysa xadhiga muj. Xamarje balse wararku waxa ay sheegayaan in xili saacad ka hor ah oo ku siman 12 kii habeenimo ee caawa ay ciidamada Boolisku ka kaxaysteen gurigiisa oo ku yaala xaafada sheedaha waxaana haatan uu ku xidhan yahay mujaahidku saldhiga dhexe ee magaalada Hargaysa.
Si kastaba ha ahaatee xadhiga mujaahidka ayaa loo aanaynayaa in uu la xidhiidho sas ay xuukuumadu ka qaaday mooshinka maalinta bari golayaashu ku ansixinayaan daldhiga militari.