WAJAALE NEWS

Wafti Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Si Balaadhan loogu Soo Dhaweeyay Magaalo Ganacsiyeedka Tog Wajaale.

TOG  WAJAALE  (W,N)  Gudoomiha xisbiga kulmiye ahna murshaxa xisbiga Muuse Biixi Cabdi  iyo wafti uu Hogaaminayo ayaa manta canbaaro 11;00Am Lugu soo Dhaweeyay Magaalo Ganacsiyedka Togwajaale Halkaasi oo ay so Dhawayntooda ay Hormuud ka ahaayeen Maamulka Gobolka Gabiley ka Degmada Togwajaale Wasiiro iyo masuulin sare sare oo kamida isla xisbiga kulmiye

Waftigan oo kazoo kicitimay caasimada dawlad deegaanka somalida itoobiya ee jigjiga oo ay kaga qaybgaleen munaasibad loo sameeyay  xuska aas aaska ciidamada federalka Itoobiya oo lagu qabtay magaalada  jigjiga .

Shacabka magaalada togwajale oo uu horkacayo gudoomiyaha degmadu Eng Aadan Cilmi shine ayaa  waftigan usoo galbiyay dhinaca  khayriyada wajaale halkaasi oo uu gudoomiye muuse biixi cabdi ka jeediyay hadalo kooban waxa sidoo kale madashan ka hadlay masuuliyiinta degmada

Wakhti kooban kadib ayaa waftigan loo soo galbiyay dhinaca casimada gobolka gabiley halkaasi oo soo dhawayn balaadhan loogu sameeyay isla waftigan.

 

Exit mobile version