Hargaysa(wajaalenews)muj. Axmed Cumar C/laahi Xamarje oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee xisbiga Wadani ayaa xoriyadiisii dib u helay, kadib markii habeen xalay goor xili danbe ah ay ciidamada loo yaqaan RRU da ay gurigiisa oo ku yaala xafada sheedaha ee Magaalada Hargaysa ugu dheceen sidaasna ay ugu taxaabeen saldhiga shexe ee magaalada Hargaysa.
La Oga sobobta rasmiga ah ee ka danbaysay xadhiga Muj. Xamarje balse waxaa lagu tirinayaa arin la xidhiiha mooshinkii buuqa badan ka dhasay ee manta labada Aqal baarlamaan ku Meelmariyeen wareejinta Saldhiga Militari ee laga siinayo wadanka isku taga Imaaraadka Carabta.