WAJAALE NEWS

Kalmada Wasiir Ama Minister:

Laba qodob ayuun baan ka sheegayaa iyo faallo yar.

1-Macnaheeda xagga luqadda waa adeege ama khaadim waliba u jajaban cidda uu u adeego.

2- Waxa kale oo loo yaqaanaa Minister wadaadka ama sheekha diinta Kiristaanka. Marka waa derajo xagga sheekhnimada ah.

Runtii uma jeedo in aan dhaliilo istimcaalka muslinku isticmaaleen kalmaddan markii ay dawladnimada qaateen iyagoo kaga dayday waddamada reer galbeedka oo iyaga laftoodu markii ay dawladnimada casriga ah bilaabeen ka soo amaahday kalmaddan kaniisadooda. Maxaa yeelay anigu waxan ahay qolada qabta (though still controversial) haddii dadka Muslinka ah tiro badan oo ka mid ahi wax isku raacaan ama ku macaamilaan waa iska Ooraydh. Waxa la mid ah isticmaalka Tayga iyo Suudhka.

QALINKII AGAASIME PROF CABDI CALI JAAMAC

Exit mobile version