WAJAALE NEWS

Gun Is-Urursatey Iyo Gob Aamustey, Qalinkii: Fu,aad SHeekh

“Wax Siyaasaddii loo igmadey silic ku nooshiiye
Markii talada habro saar leh iyo sebiyo lo doortay
Ayay sayn-caddaa iyo waxgarad sibiq dhaqaaqeene”

       Abwaan   Axmed Ismaaciil  Qaasim AHN)

“Africa’s problems is a failure of leadership. Because what we do is to elect thieves. We elect hyenas to take care of goats and when the goats are consumed, we wonder why.”

By  Patrick Lumumba

Maahmaah baa tidhaahda  saaxiib  ku hakradey ayaa  ka liita cadaw ku hadimeeyey (A silent friend is worse than a vocal enemy) . Waxaa halkaa ka cad in ay bulsho dhan u horseedi karto dhibaato  iyo burbur  marka runta oo laga aamuso: Danta guud  loo hadli waayo;  Danta gaarka  lagu hago hanka  caloosha ;  Baahida ummada  la iska dhaga tiro; Dalka  dibindaabyadiisa laga shaqeeyo;  Mucaarid    hawlgab noqdo bulshadana u habarwacda; muxaafidna is hanbalyeeyo;  Hantidii qaranka   jeebka lagu sii wada qaato; Dan yarta  la  hagoogo.

Dalka Soomaaliland in badan  ayuu  dhibaato lala doonay ka gudbay. Mar kasta dad baa u kacayey oo dhiig iyo dheefba u hurayey si dalku u badbaado.  Gu’gii 1960 ayuu  hogaamiyayaashii ururkii SNL ay ka galeen dalka Soomaaliland gef,aynu u hogaamiyeen huq iyo hagardaamo ku qaadatey muddo 30 gu’ inuu  haybadiisii la soo noqdo. Ururka SNL waxaa xilligaa hogaaminayey Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal (IHUN) oo dalkan Soomaaliland-na madaxweyne ka noqday. Isagoo ka hadlayo sababta isagoo ogaa in aan Xamar nololi oolin, uu Somaliland ula doontay meel baasta,ugana aamusay wuxuu yidhi: “Iraaddada shacbiga ayaa shalayna lagu tagay, koobiyo sagaashankiina lagaga soo noqday, oo lagaga yimi, Dhagax bay ahayd lixdankii, koobiyo sagaashankiise takniko iyo suuse ayay ahayd. Suu iyo Kalaankishoof baa la isla barbar taagnaa. Cara soo baxa ayay ahayd idinkoon ku dhawaaqin”.

Maalintaa ummada wuu hor kacey oo uu u raacey Xamar, hase yeeshee wuxuu Madaxweyne Cigaal (IHUN) maalintan sheegay inaanu raaceyn:  “Haddaad israacdaan, oo Illaahay kama dhigo e(AAMIIN), aad tidhaahdaan caalamkii baa nagu yar dhago adaygayoo, wixii socon maayaane bal hadda xagii aynu eegno tidhaahdaan, ma idin raacayo, anigu waan idinka hadhayaa (Sacab). Hargeysa, Burco, Berbera iyo Laascaanood oo laga xukumo Xamarna, dagannaan maayee waanka haajirayaa (Sacab).

Bishii Maarso, 1991  ayaa  dad badani ku sii qulqulayee magaalada Burco. Waxaa soo gabagaboobey heshiisyo  dhex marey dhamaan beelaha Soomaaliland wada degga. Waxaa  la iskugu imanayey shir loo wada dhan yahay si looga tashado aayaha  bulshada  reer Soomaaliland, iyadoo dib u eegis lagu samaynayo wixii la soo marey lixdankii ka hor iyo lixdankii ka dib.  Axmed Maxamed Siilaanyo oo ka mid ahaa dadkii xilligaa Burco joogay ayaa si fiican u ogaadey in shirkaasi uu ka soo bixi doono  go’aan ah “ Somalialnd wuxuu go’aansadey in uu gooni isku taago, lana soo noqdo haybadiisii qaranimo ee uu boqno gooyey shanta Soomaaliyeed oo iminka ah hal-bacaad lagu lisay”.

Go’aankaasi aad buu ula qadhaadhaadey Axmed Maxamed Siilaanyo. Sidaad darteed wuxuu is yidhi ka hor deg oo dadkan u sheeg waxaad maagan tahay. Wuxuu yeelay siduu yeeli jiray marka arin ku qadhaadhaado. Wuxuu u baqoolay carigiisii iyo gurigiisii  ku yaaley Ingiriiska. Ka dibna , wuxuu soo qoray warqad uu ku taageerayo in  la sameeyo dawlad ku-meel gaadh ah oo midaysa Somaliland iyo Soomaaliland. Go’aanka la filayo inuu shirkaa Burco ka soo baxana wuxuu ku tilmaamey mid lagu degdegayo.  Sidoo kale ayuu bishii Janaayo 1, 2010, Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ahaa markaa gudoomiyaha Mucaaridku sii xaqijiyey “Anigu runtii xataa waraaq aan qoray baa jirtay oo anigu aan barigaa soo jeediyey haddii dalka la xoreeyo in si federal ah lagu dhaqmo, qaab federal ahi uu yimaado oo qoraal aan qarsoodi aheyni way jirtay dee anigu aan barigaa diyaariyey, waqti aanu golaha (SNM) u soo jeedinayna waa jiray ”…

Caku mudanahaygii          Mooryaantu dhaantoow

Dhiig miirtihiiyoow          Kii loo mashxaradee

Isna nagu maqnaayee        Quus nagu macsuumoow.

Maxastiyo Adduunkii        Macaluul ku nooshiyo

Wadhatada miskiinta ah     Laga faro maroojiyey,

Sawtaad malaayiin              Moohaar ku gurateen,

Iimaan macbuud baa            Uur madhane buuxshee

Xaaraanta maandhoow         Ma mahadin hortaa jire.

Maansadii  “Mooryaan”   ee Weedhsame

 

 

Dalka Soomaaliland wuxuu ku hano-qaadey laba arimood oo ah  Nabad iyo Talo-wadaag.  Dawladu heshiis way la gali kartaa  dawlado kale, hase yeeshee  dastuurka Soomaaliland wuxuu dhigayaa in  la hor keeno golaha wakiilada oo ah golaha sharci dajinta dalka. Sidoo kale in la siiyo  muddo ay kaga doodaan, qof kasta la dhageysto wuxuu ku diidayo ama ku doonayo. Dastuurka Soomaaliland melena kagam taalo “ ku jujuubis  iyo xadhig”.. Qoor qabad qoolay biyo kuma qudhqudhiso….

Ninka samaha diidee                  seefta xumaha qaatoow

Dalka salal colaadeed iyo         kulayl sii siyaadiiyo

Salow baad ku oogtoo               Dimuqraadi saxaha

sifaheedii laabtoo                    kaligii talis  sad moodee

horta yaa la sirayaa

 

Waxa kale  oo maalmahan dalka Soomaaliland  hadal-heyntiisu ku badan tahay doorashada ka dhacdey Xamar iyo ninka loo cumaamadey. Taa waxaan kaga baxayaa odhaahda suuban ee dad dhawr ahi oo  dalka Soomaaliland-na daneynayaa ay yidhaahdeen  ee ah “Farmaajiyo maxaa iiga dana farax la goohiisa”.

Waxaann   idinla wadaagayaa weedh uu wiil dhalinyaro ahi la wadaagey bulshada  Soomaaliland ee uu daneeyo. Waxaanu yidhi waa Muuse Dalmar oo dareenkiisa ka dhiibanaya xaalada dalku maanta marayo: “Dhallinyaradeennu uma baahna in lagu beero cadaawad ay u qabaan Itoobiya, waxa se ay u baahan yihiin in hankooda la gaadhsiiyo sidii ay mandaqadda geeska Afrika iyo dunidaba ugu talin lahaayeen. Maanta dunida, waxa laysku muquuniyay waa aqoon iyo dhaqaale, balse maaha isir nacayb, hiif iyo seeflaboodnimo caadifadaysan. Hiilka ugu weyn ee uu qofku dalkiisa u gaysan karaa waa isaga oo ka soo baxa waajibka qaran ee saran”.

Waxaan ku soo gabgabeynayaa  dhacdo la yaab leh oo si xeeldheer uga warameysa  mushaharka ay golayaasha ( wasiirada, wakiilada,garsoorka iyo guurtida)  ku damaashadaan ee ay  caruurtooda quudiyaan  halka uu ka soo baxo.

Cabdicasiis Maxamed Iid oo isagoo ardey ah dalkan inuu u halgamo u boqno gooyey waxbarashadiisii, manta waqti badan galiyey sidii loo meelayn lahaa xasuuqii ka dhacey dalka  ayaa bulshada reer Soomalialdn la wadaagaya : “ Islaan aan khudrada ka iibsado oo fadhiisata xafiiskii hore ee badhisaabka Hargaysa ayaan waydiiyey inay cashuur bixiso iyo inta qof ee ay ka biiliso kaadhiyoonaa. Waxay tidhi 7 qof ayaan halkan ka masruufaa, cashuur dhowr kun ah iyo baadyarna waan bixiyaa, subaxiina waxaan kacaa 5 subaxnimo oo kaariyoonahaa kaga soo qaadaa suuqa Gobanimo khurada dabadeed waan soo riixaa ilaa halkan. Qiyaastii waa 2-3 miles. Waxay intaa iigu dartay “Alxamdulillah Hooyo”. Waxaan la macaamilaayey ilaa 2 sano hadda waanan yar naasnuujiyaa.
Islaantii maalintii danbe ayaan waayey show lugbaabay ka jabtay! Allaa adoomihiisa risiqee markiiba waxa igu soo dhacday tollow 7 dii qof yaa biilin. Maalin danbe ayaan arkay iyadoo lugtu xidhantay oo halkii fadhida waanaanu is waraysanay waxaanay ii sheegtay inay aanay soconkarin oo nin Abooya uu kaadhiyoonii u riixo lanaqaybsaday wixii yaraa ee macaashka ahaa, haddana waxay ku xigsiisay intaas “Alxamdullilaah” waanu fiicanay. Waxaa hubaal ah inaytahay qof iimaan leh Allena aaminsan.
Dadka islaantaas cashuurteeda iyo xaqa ay waddanka ku leedahay ee dhul ah, deked ah, military base ah, iyo wixii kalee la iibsadayba cunaaya. Alloow haygeen halkay joogaan qiyaamaha. Sun iyo Waabay ayey cunaayaan markaasayno leenahay abaarbaa nahaysa, dowladii ayaa sidana iyo wax la mida. Denbigeenii ayuunbaa laynoo karkariyey.Ma jeclayn inaan negative noqdo ee way ka maaransiinwayday”

Afbaa lagu ciil baxaa,          gacan baa lagu aarsadaa,                                                                                 Talaa oday lagu noqdaa,        runbaa umad lagu dhaqaa
ilayskaa kuwii shidow          abaal baan kuu hayaa
agoontaa ninkii qadshaw       inkaar baan kugu ogahay

Tixraac:

-Khudbadii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin(IHUN) ka horjeediyey golayaasha 17kii Diisember 1997kii is-casilaadisii..

-Wareysi  Gudoomiye Axmed Maxamed Siilaayo – Safarkii Maraykan

Hadhwanaagnews –  Janaanyo 1, 2010

-Qoraalo ku jira kaydka  Mareegta Farshaxan

Qalinkii:  Fu,aad SHeekh

Bahda Mareegaha Farshaxan

www.farshaxan.com   iyo  www.farshaxan.org

Exit mobile version