Waxaa Qoray Saxafi M. SAGAX
Madaxweymaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo xilka hogaaminta dalka loo dhaariyay 27-kii July 2010-kii, isla markaana muddo saddex sanadooda. Qalinkii Wariye Maxamed Sagax
Madaxweymaha Somaliland AxmedMaxamed Maxamuud Siilaanyo oo xilka hogaaminta dalka loo dhaariyay 27-kii July2010-kii, isla markaana muddo saddex sanadooda ay wakhtigan xaadirka ah ubuuxsan tahay, ayaa waxaa jira waxyaalo badan oo madaxweyne Siilaanyo uu kuhadaaqi jiray inuu wax ka qaban doono haddii madaxweynaha dalka lo doorto oonoqday hal bacaad lagu lisay, taas oo filashadii hogaamintiisa ay ka qabeen shacbiguxilliyadii mucaaridka uu ahaa ay hungo iyo dhalanteed noqdeen.
Madaxweyne Siilaanyo ayaashacbiga reer Somaliland wixii ay ka filayeen iyo hogaamintiisa maamulkala haab noqdeen, isla markaana ay si dhab ah isku barteen isaga iyo shacbigiicodkooda ku doortay.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa laodhan karaa waxyaalihii
uu qabtay muddadaasi waxa ka badan fadeexadaha iyofashilaadaha dalka ka dhacay.
Waxyaalaha uu ku fashilmaymadaxweyne Siilaanyo ee shacbiga dhabana-hayska ku noqday oo tiro belay, islamarkaana uu ka balanqaaday xilliyadii uu ku jiray ololihii doorashadiimadaxtooyada ee 26June 2010kii dalka ka dhacday ee isaga lagu soo doortay ayaawaxa ka mid ahaa:-
1. MadaxweyneSiilaanyo oo ku balanqaaday inuu dawlad kooban oo tayo leh soo dhisi doono,ayaa waxa uu marinayaa 48 wasiir
2. Hirgelintiimaamul wanaaga iyo cidhibtirka musuqmaasuqa ayaa iyaguna gaadhay heerkii uguxumaa abid, taas oo xilligan maraysa in dadku isweydiiyaan cidda hogaamintiitalada dalka ee loo doortay madaxweyne Siilaanyo mindida daabkeeda u haysa.
3. Madaxbanaanidiisaxaafada ee distooriga ahayd ayaa gaadhay heer la xayiro xarumo warbaahineed,laguna rido xukuno aab distoorka iyo shuruucda dalka waafaqsanayn.
La soco?.
Tell 4417664