WAJAALE NEWS

Feedhkii Guddoomiye Cirro shalay wadnaha ku jaray Baashe Dilaal wuxuu ahaa Hiil Qaran.

Intaa ka dib haddii aan fikirkayga shaqsi ahaaneed ka dhiibto, dhacdadii shalay ka dhacday golaha wakiilada waxay ahayd inqilaab qorshaysnaa

Marka hore waxaan salaan u dirayaa bahda saxaafadda Somaliland meelkasta oo ay joogto, wararka iyo xaqiiqooyinkana nooga soo tabiso.

Intaa ka dib haddii aan fikirkayga shaqsi ahaaneed ka dhiibto, dhacdadii shalay ka dhacday golaha wakiilada waxay ahayd inqilaab qorshaysnaa oo laga soo abaabulay madaxtooyada.

Waxa kale oo aan sax u arkaa feedhkii Guddoomiye Cirro ku daldalay Baashe dilaal, sababtuna waxa weeye, dagaalku marbuu ka fursan waa noqdaa, shalay waxay ahayd ka fursanwaa markii microphone kii uu ku qabsaday guddoomiyaha, ee uu yidhi kulmiye aniga u guddoomiye ah, ee uu xeer hoosaadkii qaranka ku tuntay, ee golihii ixtiraami waayay, ee guddoomiyihii oo yidhi fadhigu wuu xidhan yahay, ka

daba yidhi fadhigu wuu furan yahay, inuu feedho iska daayee inuu daamanka jabiyo ayay ahayd.

Waxaan dareen sanahay baashe inay ku jirto colaad kale oo uu u hayo qaranka somaliland, laakiin uu ku dhuumanayo madaxtooyadu inay soo dirtay.

Shalay guddoomiye cirro wuxuu difaacay qaranka jamhuuriyada somaliland, wuxuu difaacay sumcada golaha wakiilada, wuxuu difaacay masuuliyada golaha ka saaran, wuxuu difaacay hantida umadda, xaqna wuu u lahaa.

Tani waxay ahayd fariin, laakiin waxaa hadhay tii dadwaynaha, oo hadaan sidan wax laga badalin, feedh iska daaye, ragg badan inta dharkana lagaga horsaaro golaha,  suuqa la soo jiidi doono iyagoo qaawan.

Cabdicasiis Maxamed  Maxamuud

aziiz9000@gmail.com

Exit mobile version