WAJAALE NEWS

DAAWO; “Ceelalyo Ummadda Uma aha kuwa Maqaaxiyaha fadhiya Ee fadhi ku Dirirka Talo Aduun ka Yaqaana Ee Cudurada Horumar Nacaybku ay ku Dhaceen”, Wasiirka Madaxtooyada,

“Waxaanu beeninayaa, in dalka Masar wax saameyn ah iyo wax raad ah, iyo wax lug ah in saldhiga milateri ee berbera kuma laha, dawladda Imaaraadka difaac wadaag ah ma laha, dunida laga soo heli maayo hal meel oo askari masri ah iyo askari imaaraati ah ay ka wada hawl galaan”.Maxamuud Xashi

“Rag waaweyn oo masuuliyiin ah ayaa intay fagaare soo istaagaan leh 70KM oo dhinac walba ah, waar ILAHAY ka cabsada ayaanu leenahay oo waxaa sheegaysaan u miidaan daya, ILAHAY (SWT) wuu idin waydiin doonaaye”.

Hargeysa(W,N)Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay ujeedada safar ay ugu baxeen dalka Itoobiya isaga iyo xubno ka mid ah golaha wasiirada oo ay wehelinayaan Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye oo isagu ka sii horeeyey iyo qaar ka mid ah Wakiilada Somaliland ee dalalka dunida u fadhiya Somaliland.

Wasiir Maxamuud oo arrintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Annagu waxaanu aaminsan nahay maalgashi dalka loo doono oo lagu dhiirado inay tahay dariiqa kaliya ee wadanku ku horumari karo, waxaanu aamin-sanahay Somaliland inay u baahan tahay saaxiibo siyaasadeed iyo inay u baahan tahay saaxiibo dhaqaale.

HALKAN KA DAAWO ;

Exit mobile version