WAJAALE NEWS

Akhri: Liiska Magac-yadda Xildhibaanaddii Golaha Wakiiladda Ee Diiday Inay Masiirka Ummadda Soo Dooratay Dhaafsadaan Laaluush + Fadeexadda Natiijadii U Guddoomiye Saleebaan Sheegay Inay Heshiiska U Codaysay Oo Si Weyn U Khilaafsan Tiradii Fadhiga Fadhiday.

Hargeysa (W.N)- Liiska Magac-yadda Xildhibaanaddii Xooga Looga

Dareeriyey Fadhigii Labadda Golle Ee Lagu Ansixiyey Heshiiskii

Wareejinta Garoonka Diyaaraddaha Ee Berbera, Kana Taliyey Masiirkii

Ummadooda + Kuwii Ka Maqnaa Fadhiga, iyo Fadeexadda Dul Hoganaysa

Guddoomiye Saleebaan Tiraddii Uu Ku Sheegay Inay Fadhiga Fadhiday, Una

Codaysay Heshiiska.

26 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa

badankooda xoog dibedda looga saaray, halka ay diideen ansixinta

heshiiskan sadex Xildhibaan. Iyadoo dhowr ka mid ahi-na aanay ka soo

qaybgalin fadhiga maqnaanshiyo dalka dibediisa ah awgeed, tiraddan 26

mudane ah ee Golaha Wakiiladda oo marka laga jaro 82-ka Xildhibaan ee

uu Golaha Wakiiladdu ka kooban yahay ay soo hadhayso 56 mudane, ayaa

si cad meesha uga saartay tiraddii fadhiga inay joogaan uu ku sheegay

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo ahayd 147 Xildhibaan oo labada

Golle ah, kuwaasoo isku tagoodu uu yahay 164 mudane. Isagoo waliba

Saleebaan Sheegay inay 144 heshiiska ogollaadeen oo ay haa ku

codeeyeen, halka uu sheegay inuu mid diiday midna ka aamusay, isaguna

aanu codeyn. Marka loo geeyo mid Xildhibaan oo diiday iyo mid ka

maqnaa Golaha Guurtida dhammaan natiijooyinkii uu Guddoomiye Saleebaan

fadhiga ka sheegay way khilaafsan yihiin, waana fadeexad iyo sharci

jabin.

Hadaba, tiradda guud ee labadda waa 164 Xildhibaan, marka laga jaro 26

Mudane oo golaha wakiiladda ka tirsan oo xoog badankooda lagaga saaray

fadhiga, qaarna ay dalka ka maqan yihiin, qaarna ay diideen haa ugu

codeeyaan laga jaro, waxay noqonaysaa 138, marka labadda guurtidda

laga jarana waxay noqonaysaa 136 Xildhibaan labadda golle ah.

Markaa Guddoomiye Saleebaan markee ayuu run sheegayaa markuu leeyahay

147, ayaa fadhiga ka soo xaadiray iyo marka uu leeyahay 144 Mudane

ayaa ogolaaday heshiiska, isla markaana uu leeyahay mid uu diiday

midna wuu ka aamusay, anna maan codeyn. waa arin aad loo la yaabo

dhacdadani. Sidoo kale marka laga jaro tiradii uu sheegay inay ka soo

xaadireen fadhiga oo ahayd 147 laga gooyo 28 Xildhibaan ee waxna ay ka

saareen fadhiga waxna ay diideen waxna ay ka maqnaayeen, waxa soo

hadhay waa 120 Xildhibaan miyeyna natiijadii codeynta uu ku sheegay

144 ka Xildhibaan aanay been cad ahayn, hase yeeshee labada midna

diiday midna ka aamusay maye.

Baadhis iyo daba-gal ballaadhan oo ay samaysay Shabakedda Qumannews,

ayaanu idiin kusoo bandhignay magac-yadda Xildhibaannadda Golaha

Wakiiladda ee diiday masiirka ummadda soo dooratay dhaafsadaan

laaluuskii, lagu wareejiyey madaarka magaaladda Berbera.

Waa kuwan magac-yadda Xildhibaannadda u hiiliyey qaranka oo uu

horkacayo, Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,

ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed

Cabdilaahi (Cirro).

1- Xildhibaan Maxamed Saalax Cige Cali (Xisbiga WADDANI), dibedda

looga saaray fadhiga

2- Xildhibaan Baar Siciid Xaaji Faarax (Xisbiga WADDANI), dibedda

looga saaray fadhiga

3- Xildhibaan Cali Sh Ibraahim Aareeye (Xisbiga WADDANI), dibedda

looga saaray fadhiga

4- Xildhibaan Cali Xaaji Muuse Nuur (Xisbiga WADDANI), dibedda looga

saaray fadhiga

5- Xildhibaan Axmed Xasan Aadan (Waysa cadde) (Xisbiga KULMIYE),

dibedda looga saaray fadhiga

6- Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Aw-Xoog), ka maqnaa fadhiga.

7- Xildhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeel (Xisbiga KULMIYE) diiday

inuu u codeeyo heshiiska.

8- Xildhibaan Cabdulqaadir X Ismaaciil Jirde (Xisbiga WADDANI), ku

maqan dalka dibeddiisa.

9- Xildhibaan Yuusuf Liibaan Cumar (Xisbiga WADDANI), ku maqan dalka dibeddiisa.

10- Xildhibaan Maxamed X Yuusuf Axmed (Waabeeyo) (Xisbiga WADDANI),

dibedda looga saaray fadhiga

11- Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), (Xisbiga WADDANI),

dibedda looga saaray fadhiga

12- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ), (Xisbiga WADDANI), dibedda looga

saaray fadhiga

13- Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe Sh Muuse (Kacaan), (Xisbiga

KULMIYE), ka maqnaa fadhiga

14- Xildhibaan Maxamed X Maxamuud Cumar Xaashi (Xisbiga KULMIYE),

diiday inuu u codeeyo heshiiska.

15- Guddoomiye Cabdirahmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ka baxay fadhiga.

16- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile (Xisbiga WADDANI), dibedda looga

saaray fadhiga.

17- Xildhibaan Cabdiqaadir Askar Xasan (Xisbiga WADDANI), dibedda

looga saaray fadhiga.

18- Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan (Xisbiga WADDANI), dibedda looga

saaray fadhiga.

19- Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige (Xisbiga WADDANI), dibedda looga

saaray fadhiga.

20- Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa (Xisbiga WADDANI), ka maqnaa fadhiga.

21- Xildhibaan Bashiir Sh Xuseen Tukaale (Xisbiga WADDANI), dibedda

looga saaray fadhiga.

22- Xildhibaan Xaashi Xuseen Caabi Xaashi (Xisbiga WADDANI), dibedda

looga saaray fadhiga.

23- Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf (Xisbiga WADDANI), dibedda

looga saaray fadhiga.

24- Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Tanyanle (Xisbiga WADDANI),

dibedda looga saaray fadhiga.

25- Xildhibaan Xaamud (Xisbiga UCID), dibedda looga saaray fadhiga.

26- Xildhibaan Maxamed Jaamac Xaaji Cilmi (Dable) (Xisbiga KULMIYE),

diiday inuu codeeyo

27- Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed-gacan) oo ka tirsan Golaha

Guurtidda/Diiday inuu u codeeyo heshiiska

28- Xildhibaan Jaamac Riyo oo ka tirsan Golaha Guurtidda/Wuu ka maqnaa fadhiga.

Haddii Alle yidhaahdo, waxaanu shacabka reer Somaliland u soo gudbin

doonaa magacyadda 56 ka Xildhibaan ee Golaha Wakiiladda iyo guurtida

ee heshiiskan u codeeyey ama ogolaaday khasab lagu marsiiyo.

 

Khaddar Ali Khum (Shiine)

E-mail: Khadarshiine012@gmail.com

Exit mobile version