WAJAALE NEWS

Akaademiyadda Cilmiga, Teknoolajiyada iyo Fanka JSL Oo Maanta Hargeysa lagu Daahfurey,

 Iyada oo sidoo kalena loo dabbaaldegay Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo oo sannad kasta dunida laga xuso 21ka Feebarwari.

HARGAYSA(W,N) Ku-simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici iyo agaasimaha Guud ee wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdi Cali Jaamac ayaa maanta si rasmiya u daahfurey Akaademiyadda Cilmiga, Teknoolajiyadda iyo Fanka JSL sidoo kalena goob-joog u noqday xuska maalinta afka hooyo.

Madashan loogu dabaal dagayey maalinta qiimaha badan oo ay soo qabanqaabiyeen maamulka iyo hawl-wadeenada Akaadamiyaddan la daahfurayey ayaa waxa sidoo kale kasoo qeyb galay Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Mudane Cali Xaamud Jibriil, Wasiir Ku Xigeenka Ciyaaraha Mudane C/rashiid Ismaaciil, Hormuudka Machadka Afafka Gaarriye ee Jaamacadda Hargeysa Qoraa Cabdiraxmaan Faarax Guri-barwaaqo, Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, Xubno kamid ah qorayaasha iyo hal-abuurrada dalka, iyo marti sharaf kale oo badan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare Mudane Cabdi Cali Jaamac ayaa si waafiya uga warramay qiimaha ay leedahay maalinta Afka Hooyo, sidoo kale waxa uu ku dheeraaday faa’iidada iyo mugga ay ku fadhido Akaadamiyadda Cilmiga iyo Fanka JSL oo hoos imanaysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo maanta wanqalkeedii lagu ladhay maalinta Afka Hooyo. Waxaanna uu sidoo kale wax lagu farxo ku tilmaamay in Akaadamiyaddii la aasaasay oo ay waliba doorkeeda ka qaadatay Xuska Maalinta Afka Hooyo oo isla maanta la xusayo.

Exit mobile version