WAJAALE NEWS

ZAAD-ka iyo E-Dahabku Waa Tiknooloji Casri ah Oo Dhaqaalaheena Qayb ka ah. Waxay Inoo fududeeyaan Wax-kala-Iibsiga iyo is-weydaarsiga lacagaha deg degga ah.

La-dagaallanka sixir-bararka iyo Qiimeynta Lacagteenu Waa Muhiim. Waxa Iyaduna Muhiim ah in la Hubiyo Waddada loo Marayaa in Ay tahay tii Saxda ahayd! QALINKII; MUSTAFE MAXAMED KHAYRE

Go’aannada ay xukuumaddu maanta soo saartay aragtidayda adeeggan casriga ah way dhantaali karaan. Anigu dhaqaaleyahan ma ihi, sidaa daraadeed aqoon buuxda uma lihi adeeggan waxtarkiisa iyo waxyeelladiisa ka badan. Waxanse jeclaan lahaa in xukuumaddu innala wadaagto daraasadda ay go’aankan u cuskatay. Sidoo kale dhaqaalyahannadeena iyo ciddii amuurtan aqoon u leh waxan u soo jeedin lahaa in ay dood-furan ka yeeshaan si fahanka bulshada ee arrinkan la xidhiidhaa u ballaadho.

La-dagaallanka sixir-bararka iyo qiimeynta lacagteenu waa muhiim. Waxa iyaduna muhiim ah in la hubiyo waddada loo marayaa in ay tahay tii saxda ahayd!

Exit mobile version