WAJAALE NEWS

Xukuumada Oo Dalka Ethiopia U Balan Qaaday In Mudo Sanad Iyo Badh ah Lagu Dhamaystirayo Maarsada Berbera Kuna Soo Xidhan Karaan Maraakiibta Ethiopia Mudadaas Ka Dib

Hargeysa(Wajaalenews)Dawlada Somaliland ayaa u balan qaaday dawlada Itoobiya inay muddo 16 bilood gudahood ah la dhamaystiri doono dhismaha iyo casriyaynta marsada caalamiga ah ee magaalada Berbera isla markaana maraakiibta dalka Itoobiya kusoo xidhan doonaan si ay ugu adeegto dekedu.

Wargeyska dalka Itoobiya kasoo baxa ee TesfaNews ayaa warbixin ka qorey horumarinta xawliga ah ee dhismaha casriyaynta dekeda magaalada Berbera ay Somaliland ku samaynayso.

Waxaana jaraa’idkan oo wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire soo xiganayey waxa uu sheegay in Somaliland  u ballan qaaday dalka aan badda iyo xeebta lahayn ee Itoobiya kuna wargelisay in muddo aan ka badnayn 16 bilood in lagu diyaarinayo casriyaynta iyo dhismaha dekeda magaalada Berbera,iyada oo sidoo kalena Somaliland dhiggeeda Itoobiya u sheegtay inay marsada Berbera uga dhaw dahay dhamaan dekedaha kale ee jaarka taasina ay fursad kale tahay.

Dr Sacad Cali Shire oo arrintan uu qorey wargeyska TesfaNews ka hadleyey waxa uu yidhi sida tan

“Dekeda magaalada Berbera waa mid fursad cajiib u ah inay dawlada Itoobiya u isticmaasho wax dhoofinta iyo lasoo dagitaanka,sababtoo ah masaafadda ay isku jiraan magaalooyinka Berbera iyo Addis-ababa waa mid aan fogeyn marka loo eego inta ay isku jiraan Addis-ababa iyo Jabuuti,ta kale jid ahaana Berbera iyo Addis-ababa ayaa ah fursad kale”.

Wasiir Sacad waxa uu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii wata “Carqalada ugu wayni waxay tahay dhanka farsamada ee dekeda,waayo dekeda looma dhisin inay qabato adeegyo xajmi wayn oo dhanka koontiinarada ah in laga soo dajiyo,balse waxa ugu wayn ee ay qaab dhismeedkeeda barigii hore loo nashqadeeyey qaab ah inay qabato adeegyada guud ee soo dajinta kaargooga,waxaana maanta dunida lagu dhaqmaaa inta badan in dekedaha laga soo dajiyo koontiinarada waa wayn,taasina waa sababta aanu ugu baahanay maalgashiga Dubai ee uu u yimid si ay noogu sameeyaan (Terminals) ,waxaan ka aqbalay inay shirkadda maalgashiga ee Dubai noo dhisto dekeda casriga ah ee maraakiibta waa wayn ee xamuulka  ganacsiga Itoobiya isticmaasho” sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiir Sacad Cali Shire.

 

 

Exit mobile version