WAJAALE NEWS

Xasuusta Sanadkii Tagay 2016 Laba Masuul Oo Ku Kala Awood Roonaaday Eexda Qabiilka Iyo Hab dhaqanada Lagu Xusuusan Doono Hogaaminta Maxdaxwayne Siilaanyo.

Abaaro Sagaalkii Subaxnimo  Taariikhduna ay ahayd 1 dec.2016 ayay ahayd markii uu bilaabmay shirkii golaha wasiirada ee khamiislaha ahaa oo sida caadada u ah xukuumada Somaliland la qabto maalin kasta oo khamiis ah si loo jaan gooyo qorshaha todobaadlaha ah ee haayadaha dawlada,waxaana subaxaas gudoominayay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo,iyada oo subaxaas ay shirka ku soo dhamaadeen golaha wasiiradu, qorshuhuna uu yahay in shirka la gudo galo,balse aanu soo galin wali madaxwayne Silanyo ayaa waxaa aqalka madaxtooyada soo galay wasiirkii hore ee wasaarada biyaha Md. Baashe Cali Jaamac oo xiligaa hayay xilka wasiirnimo si uu uga qayb galo shirka golaha wasiirada ee uu ka midka yahay.

Wasiir Baashe(wasiirkii hore ee biyaha)waxaa kaga horeeya madaxtooyada agaasimihiisii wasaarada biyaha C/risaaq Jaamac Nuur oo  ay isku hayb yihiin madaxweyne Silaanyo sidoo kalana ashkato ugu maqan madaxweynaha isaga oo qaraabo ahaan uga faa,iidaysanaya ka dib markii uu maalmo ka hor wasiir baashe  ku sameeyay shaqo joojin isaga oo sheegay in mudo  18 bilood ah ay wada shaqayntoodu liidatay sida uu sheegay wasiir Baashe.

Sidoo kale waxaa madaxtooyada kaga horeeya wasiirka madaxtooyada Maxamuud xaashi Cabdi oo isagana ay qaraabo yihiin agaasime C/risaaq Jaamac, iyada oo maalmahaa jirtay cadho xoogan oo ka dhaxaysay wasiir Maxamuud Xaashi Iyo Wasiirka Khayraadka Biyaha,cadhadaas oo ka kacday shaqo joojinta uu wasiir Baashe ku sameeyay agaasimihiisa.

Nasiib daro maa ay dhicin in wasiir Baashe ka mid noqdo shirka golaha wasiirada ee ka socda aqalka looga taliyo dalka, ee waxaa lagu balamiyay in ay joojiyaan askarta madaxtooyadu waxaana si bahdilaada oo anshaxa ka baxsan u hor istaagay askarta madaxtooyada iyaga oo ku amray in labaadhayo taas oo u cuntami wayday wasiir Baashe,ka dib waxa halkaas ka dhashay buuq isaga oo wasiir Baashe si qiiro leh ugu dhawaaqay erayo ku tacaluqa gefka lgula kacay oo ay ka mid ahayd “ma sidanaa Qaran Lagu Noqonayaa Waa wixii aad ka dagaalanteen waxa meeshan ka socdaa” ka dib waxa dibada ugu soo baxay labo wasiir oo kala ahaa wasiirka warfaafinta Cadaani iyo wasiirka gaashaan dhiga Cadami, waxaanay u sheegeen in uu ka noqdo madaxtooyada dibna loo gali doono arinkan.

Marar hore ayay dhacday arintan oo kale waxaana ka mid ahaa wasiirka wasaarada waxbarashada C/laahi Ibraahim Habane (C/lahi Dheere)  iyo agaasimihiisii  Abiib Axmed oo khilaaf xoogan soo kala dhex galay  taas oo keentay in wasiir C/lahi dheere shaqo joojin ku sameeyo agaasimihiisii Abiib.

Maalmo kooban Ka bacdi waxaa soo baxday isku shaandhayn uu soo saaray madaxweyne Silaanyo oo uu xilkii kaga qaaday wasiir Baashe,isku shaandhayntan ayaa ahayd mid lagaga aar goosanayay wasiir Baashe balse ay ku xil waayeen masuuliyiin badan oo xilal ka hayay xukuumada waxaanay noqotay isku shaandhayntaas “Cadho libaax lala waayay dalxowbaa u dhinta” halka uu manta agaasimihii guud ee khayraadka biyaha uu si kalsooni leh u agaasimo shaqooyinka ka socda wasaarada biyaha.

Guntii iyo gabogabadii tani waxay cabsi galisay dhamaan wasiirada xukuumada ah ee ay wasaaradahooga agaasime u yihiin agaasimayaasha ay isku haybta yihiin madaxweynaha iyada oo ka markhaati kacday in madaxweyne Silaanyo wasiirada ay isku beesha yihiin aanay dhicin sidoo kalana agaasimnayaasha ay isku haybta yihiina aanay dhicin waana eexda iyo qaraabo kiilka ku gadaaman madatooyada.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version