MILICSIGA Qormooyinkii Wadaniyada lahaa Ee Wariye Maxamed Cumar Sheekh “Somaliland Waxay Maraysaa Meel Isgoys ah oo Aan la Garanayn Jidka ay Reer Somaliland Qaadi Doonaan Mustaqbalka.
Sagaal Sanno ka hor waxaa sida Dayax Shan iyo Tobnaandka u muuqatay Kaalinta Warbaahintu ku lahayd Dardar Galinta Geedi Socodka Dimuquraadiyada waxaana Maalintaa ku beegan 28/3/2009 ee la xidhay Wariyayaal ka hawlan Mihnada Saxaafada oo gudanaya Waajibaad Qaran waxaana ka mid ahaa Wariyayaasha la xidhay Axmad Saleebaan Dhuxul iyo Liibaan Maaweel Shire .
Sidoo kale waxaa Xasuus Gaara mudan Qoraaladii Wadaniyada iyo Daacadnimada Xambaarsanaa ee Suxufiga Ruug Cadaaga ah ee ka hawl gala Gobolka Awdal Magaalada Boorama Maxamed Cumar Sheekh oo si gaara ugu dadaali jiray Dardar Galinta Geedi Socodka Dimuquraadiyada , Ilaalinta Sharciga iyo Xeerarka Dalka ka Qoray Xaaladihii Markaa Taagaanaa, ball aynu dull joogsano Qaybo ka mida Qormo uu qoray Sagaal Sanno ka hor Suxufiga Maxamed Cumar Sheekh .
Maxaa Loo Waayay Oday Kaliya Oo Reer Boorama Ah Oo Yidhaahda Rayaalow Joog , Mise Waxay Kula Safan Yihiin Jidkii Ay Eeday Beeshii Siyaad Bare .
25/2/2009
Faalo : Wariye Maxamad Cumar Sheekh
Somaliland waxay maraysaa meel isgoys ah oo aan la garanayn jidka ay reer Somaliland qaadi doonaan mustaqbalka. Sidaas oo ay tahay waxa muuqata sansaan kale oo ka duwan kuwii aan hore u naqaanay ee ku dhammaan jiray musaalaxda iyo sasabaha mucaaradka, iyo hanjabaadihii loo jeedin jiray cid kastoo isku dayda inay raacaan jidka isbedel doonka ah.
Waxa la ogyahay in Rayaale madaxtooyada ku dhammaystay laba iyo toban sanadood, oo uu toddoba sannadood ku dhawaad madaxweyne ahaa, shanta kalena ku xigeen ahaa, welina uu ku sii adkaysanayo inuu gar iyo gardaraba ku sii joogo qasriga madaxtooyada.
Sidoo kale Waxaa la og yahay inaanay maanta jirin rajadii reer Somaliland ku doonayaan inay si xor ah oo dimuqraadi ah dalkii ay u soo dhinteen ugu sameeyaan hoggaan kale oo u keeni kara horumar, balse niyad wanaagga ay u hadlayaan beelaha dhexe ee Somaliland ay waran ku tahay Rayaale iyo beelaha reer Boorama ee haybta ku taageera, waxaana iska caddaan ah in hadalada ka soo yeedhaya maamulka Rayaale iyo waxa hoosta ka socda aanay is lahayn. Isla markaana ay komishankii doorashooyinkuna qirteen in aanay suuragal ahayn in doorashooyin dhacaan 29ka bisha soo socota March, 2009, taas oo ah wakhtigii lagu heshiiyey inay dhacaan doorashooyinka Somaliland.
Ugu Danbayn waxay Bulshada S/land isha si gaara ugu hayaan Go”aanka Madaxwayne Siiraanyo ka qaadan doono mar hadii isaga Talada u danbaysaa Gacantiisa ku jirto Hadii Golaha Guurtidu Afgambiyaan Heshiiska Sadexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinku wada Gaadheen waxaana hubaala in Madaxwayne Siiraanyo haduu ka raali noqdo Muddo kordhin Khilaafsan Heshiiska Sadexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinka ay wada gaadheen ay Dhag Xumooyin Taariikheed ka raaci doonaan Waxaan qormada ku soo Gunaanadayaa Labada Su”aalood .
1: Sagaal Sanno Ka Dib Maxaa Loo Waayay Wariye Ka Soo Jeeda Beesha Bariga Burco Oo Mara Jidkii Uu Jeexay Wariye Maxamad Cumar Sheekh?
WAJAALENEWS DESK
WAJAALE STAFF
EMAIL.WAJALENEWS@GMAIL.COM