Hargaysa(wajaalenews)madixii suuqgaynta shirkada isgaadhsiinta Telesom C/wahaab Maax ayaa abaaro kowdii duhurnimo ee manta jeelka loo taxaabay sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah saraakiisha Shirkada Telesom.
Wararka ayaa sheegay inmasuulkan maanta looga yeedhay xarunta CID da iyada oo lagu wargaliyay in uu xidhan yahay.
Ilaa hada ma cada sobobta keentay xadhiga masuulkan balse waxa loo malaynayaa in uu la xidhiihdo waraysi shalay uu siiyay idaacada BBC da kaas oo uu kaga soo horjeestay awaamiir xukuumadu maalinkiii shalay ay ka soo saartay qiimo dhaca ku yimid lacagta shilin somalilandka taas oo xukuumadu sheegtay in ay sobob u tahay lacagta Zaadka Iyo E-Dahabta.